Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo oo Garowe soo gaaray

$
0
0

large14GAROWE(Puntland Post) Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta soo gaaray magalo madaxda Puntland ee Garowe.

Wafdiga wasiirka koowaad ee dalka oo isagu jiray wasiirro iyo xildhibaano ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Garowe kusoo dhaweeyay madaxwaynaha Puntland, ku xigeenkiisa, afhayeenka Baarlamaanka iyo golayaasha kale ee dowladda, waxaana loosoo gudbiyay masuuliyiintan ka yimi Muqdisho madaxtooyadda.

Madaxwayne Cabdiweli CAli Gaas oo hadalka ku horeeyay ayaa sheegay wafdiga DF inay ka wada hadli donaan marxaladda kala guurka ah ee dalka uu marayo, arrimaha amniga iyo dhaqaalaha, wuxuuna si kaftan ah u yiri inay ka sugayaan abaalgudka guushii ay ka gaareen la-dagalanka al-shabab-ka duulaanka soo qaaday.

Wasiirka koowaad ee xukumadda Soomaaliya ayaa marka hore boggaadiyay guulihii ay ka gaareen dagaalka ururka Al-Shabab ee weerarka kusoo qaaday xeebaha bari ee Soomaaliya (PUNTLAND) wuxuuna sheegay sidoo kale inay ka wada hadli doonaan hanaanka geedi socodka Soomaaliya.

Socdaalka Sharmarke ee Garowe ayaa kusoo aadaya xilli Puntland ay diiday inay qaadato nidaamka 4.5 oo lagu saleeyay soo xulista xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo oo Garowe soo gaaray appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>