Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo kormeeray Garoonka diyaaradaha ee Garoowe oo uu kasocdo dhisme Casri ah.

$
0
0

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa saaka 31-March-2016 hadiyado sharafeed ka kooban agabka  hiddaha iyo dhaqanka  Soomaalida oo lagu xardhay Calanka Puntland guddoonsiiyey Danjirihii hore ee Turkiga u fadhiyi jirey waddanka Soomaaliya ahna mudane ka tirsan baarlamaanka dalkaasi Ambassador Kini Torun  iyo Danjiraha Dawladda Turkiga hadda u fadhiya Dalka Soomaaliya Ambassador Olgan Bakar.

Intaasi kadib Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ay wehelinayaan Ra’iisul-wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke iyo waftigii ka socdey Dawladda Turkiga ee uu hoggaaminayey Danjire Kani Torun ayaa kormeer indho indhayn ah ku tegey Garoonka Caalamiga ah ee diyaaradaha ee Garoowe oo xilligaasi ay kasocotey hawlihii dhismaha Garoonkaasi oo meel wanaagsan maraya.

Madaxweyne Gaas ayaa ku ammaanay shirkadda dhisaysa garoonka iyo shaqaaleheedaba muddada gaaban ee ay shaqaynayeen iyo baaxadda shaqada ay qabteen, waxaana uu kula dardaamay in ay sii dardar geliyaan hawlaha shaqo ee ay ka hayaan garoonka.

Garoonka diyaaradaha ee Garoowe oo ay ku baxayso 6 Milyan oo doollar ayaa waxaa dawladda Puntland ka caawinaysa Boqortooyada dalka Kuwait, waxaana dhisaysa Shirkad laga leeyahay Waddanka Turkiga oo lagu magaceeda loosoo gaabiyey METEC.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Dawladda Turkiga uga Tacsiyeeyey geeridii naxdinta lahayd ee ku timi dhaqaatiirtii samafalka caafimaad kawadey magaalada Muqdisho oo shalay kooxaha sharwadayaasha al-shabaab qaraxa ku dileen iyagoo caawinayey ummadda Soomaaliyeed.

Geba-gebadii Waftigii ka socdey Waddanka Turkiga ee shalay soo gaadhey Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland ayaa u amba baxay magaalada Muqdisho halkaas o markii horeba ay kasoo kicitimeen waxaana garoonka diyaaradaha ee Kanooko ee duleedka garoowe kusii sagootiyey  Xubno ka tirsan golaha xukuumadda Dawladda Puntland.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA  DAWLADDA PUNTLAND.
IMG_3962 IMG_3963 IMG_3965 IMG_3966 IMG_3967 IMG_3970 IMG_3972 IMG_3973 IMG_3974 IMG_3975 IMG_3976 IMG_3979 IMG_3980 IMG_3986 IMG_3987 IMG_3988 IMG_3989 IMG_3990 IMG_3993 IMG_3995 IMG_3998 IMG_4002 IMG_4003 IMG_4004 IMG_4007 IMG_4012 IMG_4017 IMG_4020 IMG_4025 IMG_4027 IMG_4029

The post Madaxweynaha Dawladda Puntland oo kormeeray Garoonka diyaaradaha ee Garoowe oo uu kasocdo dhisme Casri ah. appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>