Dowladda hoose ee Garowe iyo waaaradda ganacsiga dowladda Puntland ayaa maalintii shalay si wadajir xariga uga jaray shirkada dharka, kabaha iyo uduga ee Golden hours, taasoo dib u casriyayn weyn lagu sameeyay xaruntii ay ku lahayd magaalada Garowe ee caasimada Puntland.
Maamulaha guud shirkada Golden hours Buruuj Xasan Cumar oo ka hadlay xaflada furitaanka ayaa sheegay shirkadaan in la aas aasay sanadkii 1997 islamarkaana wuxuu tilmaamay in ay xarumaha ugu waaweyn ay ku leedahay magaalada Bosaso. Buruuj wuxuu sheegay shirkadooda inay soo kordhisay adeeg cusub oo ay kamid yihiin, inay keensatay kabo shirkada magaceeda ku qoran iyo adeegyo kale oo casri ah.
Wuxuu ugu baaqay ganacsatada reer Puntland ee dalka dibadiisa ku sugan inay soo maalgashadaan wadankooda hooyo islamarkaana ay iska daayaan hantida badan ee ay gelinayaan wadan aysan lahayn.
Ganacsatadii ka qeyb gashay furitaanka shirkadaan ayaa soo dhoweeyay shirkada Golden hours, iyagoo sheegay inay tusaale wanaagsan u tahay shirkadaha ganacsiga ee Puntland, waxayna uga mahad celiyeen sida ay dalkooda u maalgashadeen.
Gudoomiye u ku xigeenka degmada Garowe Cismaan Maxamuud Siciid ayaa sheegay shirkada Golden Hours inay wax badan kusoo kordhunayso horumarka iyo bilicda caasimada Puntland ee Garowe, isagoo sheegay haddii la helo shirkado sidaan oo kale u maalgashada dalkooda in horumar weyn la gaaridoono mustaqbalka dhow.
Gudoomiye ku xigeena ayaa ugu baaqay ganacsatada reer Puntland ee dibada joogta inay dalkooda kusoo noqdaan oo ay maalgashadaan, isagoo sheegay maamulku inuu diyaar u yahay inuu ufududayndoono wax kasta oo ay u baahan yihiin.
Agaasimaha ganacsiga iyo shatiyada ee wasaaradda ganacsiga Puntland Maxamed Cabdicasiis Xirsi oo gabagabadii hadlay ayaa sheegay inay farxad u tahay wasaaradda ganacsatadu shirkadaan iyo shirkadaha lamidka ah in dalka laga aas aaso.
Agaasimuhu wuxuu sheegay carwadaan inay buuxindoonto baahida dadku u qabeen inay dibada ka doontaan dharka casriga ah iyo kabaha, isagoo si gaar ah ugu ammaanay ina xil weyn iska saareen sidii ay dalka u keeni lahaayeen alaabo casri ah.
PUNTLAND TODAY
The post Carwada Golden Hours oo xarun ballaaran ka furatay magalada Garowe appeared first on Puntland Post.