Kismaayo: (pp)- Warar sugan oo ay Puntlandpost ay ka helayso guddaha magaalada Kismaayo ee xarrunta gobolka J/hoose, ayaa xaqiijinaya in maanta la soo gaba-gabeeyey qaysiga Ergooyinka dooranaya hogaanka cusub ee Jubbaland State ee dooran doona Madaxweynaha, deegaanada Jubbooyinka hogaamin doona 4-ta sano ee soo socota.
Afhayeenka Guddoomiyaha shir guddoonka Ergooyinka Jubbaland C/naasir Guure Faarax oo Puntlandpost khadka taleefanka kula soo xiriiray ayaa noo sheegay in maanta Beel walba loo xaqiijiyey inta ay yeelanayo ayna dhammaan ku wada qanceen, iyadoo maalinka Talaada oo ku beegan 14-/05/2013-ka la qorsheynayo in dhacdo doorashada Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland State.
C/naasir Guure, oo aan wax ka weydiinay inay jireen wax caqabado ah oo la soo maray oo shirka curyaaminayey ama dib u dhac ku keenayey, ayaa sheegay in 1 maalina aysan jirin wax la isku khilaafay oo dhanka maamul u samaynta Jubbooyinka.
Dr. Cumar C/rashiid oo horay ahaan jiray Raiisal wasaaraha DF ee Soomaaliya , haddana ah Guddoomiyaha Xalinta Khilaafka ergooyinka oo IGAD ay u xilsaaratay ayaa guusha laga gaaray qaybsiga ergooyinka ku tilmaamay guul taariikhiya, lana gelayo doorasho maalmaha na soo haya.
Dhanka kale, Wafdi IGAD ka mid ah oo maanta soo gaaray magaalada Kismaayo ayaa la kulmay maamulka kumeel-gaarka ah iyo guddiga khilaafaadka Ergooyinka iyo ergooyinka mataley xubnaha la qaybiyey, ayaa howsha Kismaayo ka socota ku bogaadiyey beelaha Soomaaliyeed ee halkaas ku shirsanaa , iyagoo ku dhiirageliyey inay gaba-gabada howshaan ay ku daalaan , si loo doorto hogaanka cusub ee Jubbaland oo la filayo in la doorto Talaadada soo socota.
Sikastaba, musharaxiinta intooda badan ayaa ku sugan guddaha magaalada Kismaayo, waxaana la sugayaan Prof. Gaandi oo ka mid ah musharaxiinta oo deg deg kusoo galaya guddaha magaalada Kismaayo, inkasta oo ay jiraan warar sheegaya inuu Prof. Gaandi u tanaasulay Sheekh Axmed Islaan (Madoobe), mase aha warkaasi mid banaanka weli usoo baxay.
Puntlandpost, Kismaayo, Jubbaland state