Baydhabo: (pp)- Labo ciidan oo ka wada tirsan DF ayaa ku dagaalamay Degmada Baydhabo ka dib markii sida la sheegey maamulka degmada baydhabo uu amar ku bixiyey in magaalada laga saaro ciidamo ka cabanayey mushahaar la,aan oo ka yimid furimo alshabab ay ku horfadhiyeen.
Labo qof ayaa ku dhintey dagaalka dhex marey ciidamada DF ee Baydhabo ku sugan , waxaana la sheegey in midkood labada ruux ee dhintey askari uu ahaa halka qofka kalena uu ahaa rayid, sidoo kale waxaa ku dhaawacmey iska hor,imaadka tiro dhowr kale ah.
Gudoomiyaha Baydhabo Xasan Macalin Axmed [Bikole] ayaa warbaahinta u sheegay maanta in ciidamada Milateriga ah ee ka imaanaya furmaha hore ee dagaalka ay kufsadeen haween fara badan, kuwaasoo ay ku jirto haweeney lahayd uur 6-bilood ah, taasoo ilmihii soo riday.
“Waxaan amar ku bixinay in ciidamadaas lala dagaalamo, waayo waxaan u adkeysan waynay dhibaatooyinka ay shacabka ku hayaan, waana taas mida aan kasoo horjeedno” ayuu yiri Bikole oo intaas ku daray inay san dagaalka joojinayn inta ay ciidamada imaanaya joojinayaan dhibaateynta shacabka.
Xaalada Magaalada Baydhabo ayaa kacsan, iyadoo maamulka uu amar ku bixiyay in ciidamada soo galootiga ah ee cabanaya laga saaro magaalada, waxaana ciidamadaas ay kasoo horjeesteen amarkaas kasoo baxay maamulka degmada baydhabo.
Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com
Puntlandpost.com
Baydhabo.