Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud oo Puntland ku bogaadiyey aqbalaadeeda hanaanka 4.5

$
0
0
Madaxweynaha Soomaaliya, Xassan Shiikh Maxamuud
Madaxweynaha Soomaaliya, Xassan Shiikh Maxamuud

War-saxaafadeed uu soo saaray Madaxweynaha Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud, wuxuu si diiran usoo dhaweeyey inay Puntland aqbashay hanaanka 4.5 oo lagu salayn doono Doorashada Sanadkan ka dhici doonta Soomaaliya.

Madaxweyne Xassan ayaa Madaxda Puntland iyo Raisul Wasaare Cumar Cabdirashiid uga mahadceliyey dadaalka dheer ee ay ugaleen inay Puntland aqbasho hanaanka Doorashada lagu salaynaayo.

Xassan Shiikh Maxamuud ayaa talaabada ay Puntland uga laabatay go’aankeedii adkaa ku tilmaamay mid horay loo qaaday, guulna u ah dhamaan umada Soomaaliyeed.

Dhanka kale Madaxweynaha oo u muuqda inuusan ku qanacsanayn qaar kamid ah qodobada galabta lagu saxiixaayo Magaalada Garowe ayaa hadalkiisa ku daray in loo baahan yahay qaar kamid ah qodobada ku jira heshiiskan in wada hadalo dheeri ah la geliyo.

Hadalka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xili maanta Magaalada Garowe ay Puntland iyo Dawlada Federaalka ah ku kala saxiixan doonaan heshiis aan weli la shaacin, balse waxaa cad inay Puntland aqbashay hanaanka afar dhibic shan.

Dadka reer Puntland ayaa heshiiskan si  yaabo kala duwan uga hadlaaya, iyadoo inta badan Dadku si aada uga caroodeen inay Puntland aqbasho wixii  ay meesha adag horay uga istaagtay.

Puntland Post

The post Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud oo Puntland ku bogaadiyey aqbalaadeeda hanaanka 4.5 appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>