Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo khudbad Taariikhi ah jeediyey iyo Qodobadii lagu heshiiyey oo dhamaystiran

$
0
0

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ay  Markii ay dawladda Puntland iyo Dawladda Federaalka Soomaaliya kala saxiixdeen heshiiska ku saabsan in aan dalka dib loogu celin hannaanka awood qaybsiga qabiilka ee 4.5 isla markaana  heshiiskaasi uu dammaanad ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ethiopia Dr. Tedros Adhanom ayuu Madaxweynaha Dawladda Puntland Khudbad taariikhi ah ka jeediyey gobtii uu heshiisku ka dhacay oo ahayd Xarunta wasaaradda Caafimaadka Dawladda Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sheegay in aanay saxeexin 4.5 balse ay saxiixeen inaa dalka dib loogu celin hannaanka 4.5 wixii ka dabeeya 2016-ka, sidoo kale sababta ay Puntland hore ugu saxiixi weydey 4.5 ayuu ku micneeyey Madaxweynaha Dawladda Puntland in ay doonayeen in ay ahayd sidii aan mar dambe dalka dib loogu celin lahaynhannaanka 4.5 isla markaana looga gaadhi lahaa heshiis taariikhi ah oo dammaanad leh, taasina ay ahayd sababta ay xilligan soo gaadhsiisey.

Sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku tilmaamay hadalkii Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya uu maanta ku sheegay in uu Puntland ugu hambalyaynayo qaadashada 4.5 uu ahaa ahaa qorshe looga hor degeyo heshiiska si loo  fashiliyo heshiiska u dhexeeya Puntland iyo Federaalka isla markaana uu aad uga xun yahay.

“waxaan aad uga xumahay in Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya uu ka-hordego maanta heshiiskii Dawladda Puntland iyo Dawladda Federaalka, waxaana u arkaa runtii in si ulakac ah larabey heshiiska in loo fashiliyo, heshiis kaas oo dawladda Federaalka, Dawladda Puntland iyo Beesha caalamkuba ya waqti badan gelisey.

Waxaana isleeyahay hab-dhaqanka noocaas ahi waa waxa keenay in saddexdii sanno iyo barkii u dambeeyey Soomaaliya ay gaari weydo wax horumar ah” ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Hoos ka aqriso Qodobadii lagu heshiiyey.

 

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Halkaan kadhegeyso Codka Madaxweynaha

scan scan0001 scan0002 scan0003 scan0004 scan0005 scan0006 scan0007 scan0008IMG_4074 IMG_4075 IMG_4078 IMG_4081 IMG_4082 IMG_4084 IMG_4086 IMG_4092 IMG_4107 IMG_4115 IMG_4123 IMG_4124 IMG_4128 IMG_4146 IMG_4148 IMG_4150 IMG_4154 IMG_4157 IMG_4162 IMG_4171 IMG_4182 IMG_4185 IMG_4186 IMG_4193 IMG_4195 IMG_4199 IMG_4207 IMG_4229 IMG_4241 IMG_4244 IMG_4245 IMG_4249 IMG_4252 IMG_4255 IMG_4258 IMG_4261 IMG_4263 IMG_4268 IMG_4270 IMG_4274 IMG_4276 IMG_4279 IMG_4280 IMG_4281 IMG_4282 IMG_4283 IMG_4287 IMG_4290 IMG_4296 IMG_4297 IMG_4301 IMG_4306 IMG_4309 IMG_4312 IMG_4322

The post Madaxweynaha Dawladda Puntland oo khudbad Taariikhi ah jeediyey iyo Qodobadii lagu heshiiyey oo dhamaystiran appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>