Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Maxay salka ku haysaa murashax-nimada Cabdiraxmaan Farole ?

$
0
0

largeGarowe(Puntland Post) Madaxwaynihii hore Puntland, Cabdiraxmaan Farole ayaa shirkiisa jaraa’id marka hore kaga hadlay heshiiskii xalay dhexmaray Puntland iyo DF kaasoo uu sheegay inuu kasoo horjeedo ra’yi ahaan heshiiska kaasoo Puntland dib usoo nooleysay hanaanka 4.5.

Farole ayaa ka waramay marxaladii uu soo maray hanaanka 4.5 kaasoo dadaal xukumadiisa u gashay in laga gudbo balse markii danbe go’aan lagu gaaray inaan doorasho danbe lagu galin marka la gaaro 2016, wuxuu sheegay nidaamkaa inuu ka xun yahay in mar kale la isticmaalo, isagoona sheegay inuu taagan yahay weli mowqifkiisa dii-mada.

Murashax-nimadiiisa Soomaaliya 2016 ayuu sheegay ku sababeeyay inay tahay la-dagalanka 4.5 si mar danbe dalka loogu soo celin ayna ka go’an tahay inuu la shaqaynayo cid walba oo Soomaaliya meel wanaagsan gaarsiinaysa.

Shirka jar’aaid ee Cabdiraxmaan Farole oo saamayn ku leh siyaasada dalka ayaa laga hadal hayaa magalada Garowe iyadoona dadku siyaabo kala duwan usoo dhaweeyeen, waxa kale uu sheegay inuu ka xun yahay in mar kale uu soo laabto madaxda DF kuwaasoo uu sheegay inay ku fashilmeen hanaanka Federaalka.

Waxaa jira siyaasiyiin kasoo horjeeda heshiiska Puntland iyo DF, Cali Xaaji Warsame ayaa warbaahinta gudaha ka hadlay isagoona saluugsan hanaanka lagu wada heshiiyay.

PUNTLAND POST

The post Maxay salka ku haysaa murashax-nimada Cabdiraxmaan Farole ? appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>