Maalintii sabtidii ee Toddoobadan waxaa daaha laga rogay barnaamijka rajo soo celinta ee Isbahaysiga RAJO, iyadoo munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimayna lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana si weyn loogu jeex-jeexay lagama maarmaanimada in Shacbiga Soomaaliyeed isku tashto, is caawiyo, lagana shaqeeyo samaha, la ilaaliyo midnimada ummada Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan.
Isbahaysiga Rajo ayaa jira wax ka yar sannad waxaana si mutadawacnimo u yagleelay aqoonyahano, dhalanyaro, wiilal iyo hablo leh oo gudaha iyo dibbada ku wada nool kadib fikir iyo fadhiyo badan ay ka yeesheen sidii iyagana caqligooda, xoogooda, maskaxdoodu ay uga yaraan wax ugaga bedeli lahaayeen xaalada dalkeena uu iminka ku sugan yahay sida ay goobta ka sheegeen xubnaha wax ka dhisay RAJO.
“RAJO waa Isbahaysi u furan muwaadin kasta oo Soomaali ah, waxa uu hadda jira wax ka yar sannad, mana ahan faa’ido doon, ama leh dano gaar ah ama mid siyaasadeed, waxa uu u taagan yahay inuu wanaaga ka shaqeeyo, dalkan anagaa leh, dhisano, dadkeena caawino, waxbarno, la soo celiyo adeegyada bulshada iyadoo aan isku tashanayno, sidoo kale Calankan bay Soomaaliya leedahay, waa inaan ilaalinaya midnimadeena, waxa nahay 10 milyan iyo bar, waan ka tiro iyo aqoon badan nahay raggii xurriyada naftooda u soo huray ee u hiiliyey calankan, Rajo Xanuun waxa ku hayo xaalada Calankeena, waxan idin sheegay, ‘ Qof gacantiisa hooseyso xur ma ahan’ ee aan isku tashano”, sidaas waxa goobta ka sheegay C/casiis Maxamuud Maxamed oo kamid aas-aasiyasha.
C/casiis waxa uu intaasi ku daray in Isbahaysigu uu barnaamijyo wacyo gelin, samafal, cilmi-baaris iyo qiimaynta bulshada xubnaheeda wax galka ah ka sameeyeen gudaha iyo dibbada dalka ayna hadda lafteeda ka wadaan gobalada qaar barnaamijo isugu jira bixinta miraha beeraha lagu abuurto, siminaaro aqoon kororsi, in lala hadlo dadka hantida leh, kuwa aqoonta leh in door ay ku yeeshaan gurmadka abaaraha hadda taagan iyo cilmi baaris.
“ Muwaadin kasta oo soomaaliyeed, Dhalinyaro, Gabdho, aqoonyahano, Suxufiyiin, dhakhaatiir,macalimiin, iyo qof kasta oo jecel inuu dalkiisa iyo dadkiisa wax u qabto waa ka mid noqon karaa isbahaysiga Rajo, Waana iska diiwan galin karaa; ayuu sii raaciyay C/casiis Maxamed Maxamuud.
Diini Maxamed Diini oo ka socday ururada aan dawliga ahayn ayaa goobta ka yiri, “ War qurux badan baa naloo sheegay, waan soo dhaweynaynaa waana idinku garab siinaynaa, waana idin xisaabinaynaa, magaalada Muqdisho waxaa hadda ka socda mashruux la yiraahdo “ Dhiso dalkaaga, waxaa shaqadas laga bilaabay laba isgoys oo muhiim ah waa kan Zope ka taga ee aada degmada Wadajir iyo kan Sayidka ka taga ee galka suuqa weyn ee Bakaaraha oo aan qayb weyn ku leenahay, ma ahan waxan barinay shacabka ayaa isku tashtay, sidaas si lamida ayaan wax u dhisan doonaa oo iskugu tashan doonaa”.
Xaali oo ah marwo gudoomiye ka ah ururka haweenka Soomaliyeed ee ka dhisan magaalada Birmingham ee dalka Ingiriiska oo madasha ka hadashay ayaa bogaadisay Isbahaysiga Rajo, waxayna hoosta ka xariiqday in magaaladan iyo magaalooyinka kale ee dalkaba ay dhalo ka dhigi karaan haddii ay isku tashtaan ayna fariintaas gayn doonta halka ay ka timid ee UK, waxa ay sidoo kale uga baaqday qurba joogta iyo inta Illahay wax u dhiibay in ay gurmad u sameeyaan walaalahooda baahan ee abaarta saamaysay.
“Ruux kasta waxa uu la egyahay ama uu yahay inta uu fakaro, fikirkiisa yahay, aan u fakarno si quman, sax ma ahan in marka roobka da’ayo aan dhahno nasoo gaaraay, sidoo kale marka ay abaarta timaado, waa in uu jiraa diyaar garow hab cilmiyeysan loo wajaho, waxaa jira dooxooyin ama waadiyo marka roobka da’ayo habeenkii biyo xoogan maro subixiina laga ooman yahay, waa in aan garan karnaa sida loo sameyn karo qaab biyaha ugaga faa’idaysano una keedsano, dhawr webi oo 3-ah baan leenahay”, sidaas waxaa goobta ka sheegay Maxamed Maxamud Ducale oo Nadiga ka tirsan.
Arrintu siday doonto ha ahaatee, isbahaysiga Rajo ayaa sanadkii la soo dhaafay waxaa uu abaalmarinta Rajo guddoonsiiyay toddobo qof oo ka mid ah hormuudka bulshadda soomaaliyeed, kuwaasoo 25 sanno u dambeeyay dalka gudihiisa ku sugnaan, kana sameeyay shirkaddo waaweyn oo ganacsi, Jaamacado, Machaa’id iyo adeegyo kale oo muhiim u ah bulshadda sida kaabayaasha dhaqaalaha dalka.
PUNTLAND POST
The post Isbahaysiga RAJO oo La Kulmay hawladeenada Bulshada ee magaalada Muqdishu. appeared first on Puntland Post.