Stockholm(Puntland Post) Wasiirkii hore Caafimaadka Puntland Dr.Saadiq Eenow ayaa sheegay in lagu deg degay heshiiska Garowe ku gaareen xalay Puntland iyo DF, kaasoo nuxurkiisa ugu weyn ay ahayd in la ogolaysiiyo Puntland hanaanka 4.5 oo lagu saleeyay aqalka hoose.
Eenow oo la hadlayay Radio Daljir ayaa sheegay saxiixa Garowe ka dhacay inuu yahay dhaawac taariikh-da galay si looga dabo tagana ay adag tahay, wuxuuna sheegay Hoggaamiyaha caqliga gaabka ah inuu dadka u hayaamiyo meesha uu doonayo halka hoggaamiyaha caqli yahanka ah uu dadkiisa u hoggaaminayo meesha uu maslaxadu taalo.
Sidoo kale heshiiska Puntland iyo DF waxaa ka hor yimi madaxwaynihii hore Cabdiraxmaan Farole iyo Cali Xaaji oo sheegay inay ka xun yihiin qaadashadeedana aan la filayn.
PUNTLAND POST
The post Aqoon yahan Saadiq Eenow oo wax laga xumaado ku tilmaamay heshiiska Puntland & DFS appeared first on Puntland Post.