Madaxweynaha Dowladda federaalka Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhaweeyay heshiiskii caasimadda puntland ee garowe ay ku kala saxiixdeen dowladda federaalka Somalia oo uu matalayay ra’isul Wasaaraha somaliya Cumar C/rashiid iyo madaxweynaha puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.
Heshiiskan oo ay goobjoog ka ahaayeen beesha Caalamka, Qaramada midoobay iyo madaxda gobolka ayuu madaxweyne xasan sheikh ku tilmaamay tallaabo horumar ah oo dhabada u xaaraysa in dalka somaliya ay ka dhacdo doorasho dhammaadka Sanadkan
“Waxaan si diiran u soo dhoweynaya tallaabadaan horumarka ah oo dhabbada u xaareysa in Soomaaliya ay sannadkan ka qabsoomaan doorashooyin loo wada dhan yahay. Heshiiskaan waxaa uu sidoo kale ka tarjumayaa biseylka siyaasadeed ee Soomaalida ee ay ku xalisanayaan arrimahooda’’, ayuu yiri Xasan sheikh
Xasan Shiikh ayaa ugu baaqey shacabka Soomaaliyeed inay si wadajir ah u taageeraan hannaanka siyaasadeed ee dalka oo uu sheegay inuu fure u yahay horumarka, nabadda iyo dib u dhiska dalka.
Madaxweyne Xasan sheikh oo shalay warsaxaafadeed ka soo saaray shirkii Garowe ka hor intii aan la saxiixin waxaa uu sheegay in puntland ay qaadatay nidaamka wax ku qaybsiga qabiilka ee 4.5, isagoo tilmaama in qodobada heshiiskaas madal kale looga hadli doono, sharciga loo eegi doonaa.
Madaxweynaha Puntland ayaa ku tilmaamay hadalkii madaxweyne Xasan sheikh mid looga gol lahaa in lagu burbiryo Wadahadaladii iyo heshiiskii Garowe ee dowladda federaalka iyo dowladda puntland.
Arrintu siday doonto ha haatee, soo dhaweynta madaxweyne Xasan sheikh ee heshiiska Garowe ayaa Dadka ka faalooda siyaasadda soomaalida waxay tilmaamayeen inay sabab u tahay cadaadis la saaray iyo qaar ka mid ah qodabo uu dhaliilsanaa laga saaray heshiiska.
The post Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Soo dhaweeyay Heshiiskii DFS iyo Puntland appeared first on Puntland Post.