Labada Beelood oo Walaalo ah oo wada dega gobolka Bari ee Puntland oo muddo 20 sanno ah diriri u dhaxaysay ayaa ku dhawaaqay in ay ku soo afjareen colaadii dhexmartay shir muddo 45 maalmood ah uga socday degaanka dharjaale ee degmadda Iskushuban ee gobolka Bari.
Munaasabad ballaaran oo ay ka qaybgaleeen Xildhibaano, Odoyaal, Cuqaal, siyaasiyiin, aqoonyahano, iyo ganacsato ka kala soo jeeda labadda beelood ee colladu dhexmartay ayaa lagu qaybtay hotelka Sabaax ee magaaladda Bosaso.
Odoyaasha labada beelood ee heshiiskan wadagaaray ayaa sheegay in ay iskood isku xilqaameen oo ay dhameeyeen colaadi dhexmartay, iyagoo iska dilay dad badan, dadna iska dhaawacay, hantina kala dhacay mudadaas.
Muuse Maxamuud cabdi oo ka mid ah odoyaasha beelaha heshiiyay ayaa faahfaahin ka bixiyay qodobada lagu heshiiyay, waxaana uu sheegay in kuwa ugu muhiimsan ay ka mid tahay in qofkii jabiyo heshiiska in si wadajir ah loogu qaado dambigiisa, lana soo celiyo walaalnimadii iyo midnimadii labada beelood, la iskana ilaawo wixii dhacay,
“ Colaadan labada beelood ka dhaxaysa awal baanu ka seexanay,waase ilaahay mahadiis haddii ilaahay na garan siiyeen oo aanu ogaanay inaanu ku filanahay, oo dhamayn karno iyadoo cid kale na soo dhexgalin ayuu yiri
Nabadoon Aadan Maxamed Ciise oo isna ka mid ahaa odoyaasha heshiiskan saxiixay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay heshiiskan, maadaama buu yiri ay labada beelood muddo toddobo sanno aysan wadahadlin, waxaana uu ugu baaqay beelaha kale ee soomaaliyeed ee colaaduhu dhex yaaliin inay dhamaystaan oo ka heshiiyaan wixii dhexyaala
“ Meel waqti badan lagu kala maqnaa, oo dad ehel ah oo kala maqnaan jiray ay ku kala go;een ayaa manta la isdhexgalay, oo la wada joogaa oo ceelashii la wada cabayaa xijiyadii la wada guranayaa oo hubkii la iska dhigay oo Walaalo la yahay” sidaas waxaa yiri Nabadoon Maxamed Khuurse oo ka mid ah odoyaasha heshiiska ka shaqeeyay
Maxamuud Yuusuf Cabdullaahi oo ku hadlayay magaca siyaasiyiinta gobolka bari ayaa ku tilmaamay heshiiska mid taarikhi ah oo ku cusub dadka soomaaliyeed, waxaana uu sheegay in dad badani ay u arkayeen markii hore in labo beelood oo toddoba sanno wada hadlin oo ciidamo ku kala dhexjiraan ay wada hadli karaan, ka dibna a dhamaysan karaan colaadii dhextiilay iyadoo aysan cidna dhexgalin,
“ Run ahaantii markii aanu howshaas galaynay dad baa dhibaato u arkayay isu tagayaga, laakiinse waxay noqotay guul, Arrinta waxay tusaale wanaagsan u noqonaysaa umadda soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan” ayuu yiri Siyaasi Maxamuud yuusuf
Muddadii 25 sanno ee la soo dhaafay, waxaa goboladda somaliya ka dhacayay colaado u dhexeeya beelaha soomaaliyeed, kuwaasoo soo afjari dooda ay ku bixi jirtay waqti, hanta iyo xoog, hase yeeshee waa markii u horraysay oo labo beelood inta ay wada fariistaan oo kaligood ay dhamaystaan wixii dhexmaray.
PUNTLAND POST
The post Bosaso: Labo Beelood Oo Muddo 20 Sanno Dirirsanaa oo ku Heshiiyay inay soo Afjaraan Colaadii dhextiilay appeared first on Puntland Post.