Minnisota: (pp)- Xaflad heer sare loo soo agaasimay oo lagu soo dhaweynayay Fiqi Bashiir Abdulle Osman oo ka mid ah salaadiinta Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay Ramada Hotel international Airoport ee ku yaala Bloomington, Minnesota Xafladan oo ay ka soo qeyb galeen oday dhaqameedyo ka kala socday beelaha kala duwan ee Soomaaliyeed, Aqoonyahano, Caaqilo, ardayda Jaamacadaha wax ka barta.
Xafladan oo… casho sharaf eheyd ayaa marxbeyn badan iyo soo dhaweyn ku dheehneyd hab dhaqan soomaaliyeed ayaa is weydaarsanayeen dadweynihii ka soo qeyb galay xafladan lagu soo dhaweynayay Fiqi Bashiir Cabdulle Cusman oo ka mid ah salaadiinta Soomaaliyeed ee loo igmaday inuu hogaamiyo ummadda uu ka soo jeedo ee Beeshiisa, Fiqiga oo aad looga sugayay Hoolka shirka lagu qabanayay ayaa markuu soo galay lagu soo dhaweeyay Sacab iyo sawaxan ku jiray Kalgacal iyo rayn reyn. Fiqiga marxabeyn ka dib goobtii loogu tala galay inuu ka fadhiisto madasha oo ay ku sugayeen oday dhaqameedyo ka wakiilo ah salaadiintooda ayaa fadhiistay, Intaa ka dib waxaa loo guda galay xafladii oo si qumaati u xiriiriayay aqoonyahano khibrad u leh habsami u socodsiinta shirka iyagoo kaalmo ka helayay aqoonyahano kale oo mashquulsnaa soo dhaweynta iyo shaashadda oo mar walba laga daalacanayay muuqaalo booqashooyin ah oo uu fiqigu ku soo maray adduunka dacaladiisa iyo shirar dhaqameedyo uu ka qeyb galay iyo Caleema saarkiisii.
Waxaa halkaas hadalo ka soo jeediyay wakiilo ka socday beelaha soomaaliyeed, taasoo ku tusaysa in soo madashaas ka madax bannaaneyd siyaasadda hadda ka jirta dalka soomaaliya . Waxaa hadalka ugu danbeyntii qaatay Fiqashiir Cabdulle Cusmaan oo halkaas mahad weyn uga celiyay dadkii soo dhaweyntiisa ka soo qeyb galay iyo dadkii soo qabanqaabiyay ee soo ajiibay fiqiga waxyaabo fara badan ka hadlay ayaa tilmaamay in ummadda soomaaliyee ay yihiin kuwo aan kala maarmeyn .
Isagoo mar xagga siyaasadd ka hadlayay ayuu sheegay in dowladda hadda jirta ee soomaaliyeed la taageero oo haddaan iska burburino aan ka soo bilaabi doono meel madhan ( Ground Zero ).
Puntlandpost.com