Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Gen. Cadow, Puntland horay u socotaaye , ha’niyad jebin (Dar-daaran)

$
0
0

Waxaa maalinkii shalay halmar ka soo baxay Kanadalasa Soomaalida Madaxweynihii hore ee Puntland Gen. Cadde Muuse Xirsi oo ka yaabiyey shacabweynaha Puntland, kaddib markii uu sheegay in Doorashada soo socoto lagu galo hab qabiil.

Gen. Cadde Muuse,

Gen. Cadde Muuse,

Lama yaqaan hadalkaasi waxa uu ulla jeedo madaxweynihii hore, waxaase loo qaatay inuu yahay  mashruuc aan la aqoon meesha laga soo abaabulay.

Sikastaba, hadalka ka soo yeeray Cadde Muuse wuxuu falaar wadnaha kaga taagan ku noqday shacabka Puntland ee ku nool Guddaha iyo Dibada, waqti shacabka Puntland ay sugayaan  in Puntland ay ka hirgasho doorashooyin looga baxayo hanaankii qabiilka, inshaa’alah waa laga baxayaa hanaanka qabiilka.

Waxaan kugu waaninayaa Gen. Cadde Muuse , oo aan leeyahay ” waxaad soo noqotay Madaxweynihii hore ee Puntland, isla markaana illaa hadda haysta Sumacad wanaagsan , ha noqonin ninkii Puntland oo jid wanaagsan ku socota oo Caalamka oo dhan laga taageerayo inaad kooxo wanaaga Puntland diidan aan u furto jid uu cadowgu ku farxo, Waxaan kaloo kugula talinayaa in Puntland ay maanta tahay Furuhii iyo Muraada Beesha Daarood , ee hadalkan naga nixiyey kaa soo baxyaye mid kale hanoogu darin”.

Jaalle Madaxweyne Gen. Cadde Muusow, dib u xasuuso in Puntland billo ka hor ay kuu baahnayd , waxaad ka soo degtay Boosaaso oo waxaad  shacabka Puntland u sheegtay inaad dhex dhexaadinayso Mucaaradka iyo dowlada , waxaad tagtay Boosaaso iyo Gaalkacyo inta u dhaxaysa  , meeshii la doonayey inaad shacabka Puntland aad u sheegto waxaad la soo kulantay , waxaad ka raacday Puntland Diyaarad adoo shacabka aan u sheegin waxaad la soo kulantay .

Illaahay mahadiis Puntland waa ka baxday walwalkii la qabay , waxaana shacabka Puntland taageereen dimoqraadiyada isla markaasna waxaa  Caalamka oo dhan Puntland looga bishaareeyey hanaanka dimoqradaiyada ee ay damacsan tahay, ma guushaas la gaaray ayaad doonaysaa inaad ka dhigto wax kama jiraan?? waa mid aan la qaadan karin.

Waxaan madaxweyne kugu waaninayaan, shacabka Puntland hogaamiye Qaran oo soo maray u noqo ama Boqor u noqo ama meel kale kaga toos, ee marnaba yeysan dhicin Puntland-ta Caalamka laga bartay , shacabkeeda ku dhiiran yihiin inay taageeraan, isla markaasna la xisaabtamaysa Cadowgeeda in la turaan-tureeyo.

Puntland waxay u baahan tahay ragg adag oo siyaasiyiin ah oo la xisaabtami kara cadowgeeda kan guddaha iyo kan dibada intaba.

Waxaan hadalkayga kusoo gunaanadayaa Gen . Cadow Meeshaan kaa filaayey kama aadan ka soo bixin…….!

Shacabka Puntland waxaan u rajaynayaa Guul , wixii dhibkooda wadana allaha ka qabto.

Maxamed Jaamac

Boston- USA

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>