Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Shir Garowe lagu Qabtay oo Looga Hadlay Dhaqancelinta Caruurta Dagaaladii lagu soo qabqabtay

$
0
0

Shirkan oo looga wada hadlayay sidii loo dhaqan celin lahaa caruurtii lagu soo qabtay Dagaalkii looga guulays Maleeshiyaadkii Al- shabaab iyo sidii xal waara loogu heli lahaa in caruurtu ka dheeraato meelaha dhibku ka jiro.
shirkan oo ay gudoominaysay  wasiirka Haween Aniso  Cabduqaadir Xaaji Muumin  waxaana ka qayb galay masuuliyiin ka tirsan Dowlada puntland oo ay ka mid yihiin  Xeer Ilaaliyaha Guud Dawladda Puntland Mohamoud Hassan Aw-Osman
Xubno ka socday Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha
Agaasimaha Guud Wasaaradda Amniga,
Farah Aw-Osman oo ka socday Puntland Development Forum, iyo Masuul ka tirsan Xafiiska Xuquuqul Insaanka Puntland
Iyo saraakiil ka socotay hay’adda Unsom qaybta Police ka  masuuliyiin kale.

Waxaana gaba gabadii shirkan laysku afgartay sidii dhaqan celin loogu samaylahaa caruurta aan qaangaarka ahayn ee ay marin habaayisheen maleeshiyada Al-shabaab iyo sidoo kale sidii laysaga kaashan lahaa in caruurta laga ilaaliyo kooxaha xagjirka ah.
IMG_0767

IMG_0771(1)

IMG_0774(1)

IMG_0777(1)

IMG_0777

IMG-20160409-WA0016 IMG-20160409-WA0014 IMG-20160409-WA0013 IMG-20160409-WA0012 IMG-20160409-WA0007 IMG-20160409-WA0008 IMG-20160409-WA0005 IMG-20160409-WA0007

The post Shir Garowe lagu Qabtay oo Looga Hadlay Dhaqancelinta Caruurta Dagaaladii lagu soo qabqabtay appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>