Ra’iisul wasaare Cabdulqaadir Kaamil Maxamed ayaa ka sheegay taleefishinka qaranka in natiijooyinka rasmiga ah ay tilmaamayaan in Mr Geelle oo xilka markii ugu horreysay qabtay 1999 uu helay codad ku filan si uu ugu guulaysto doorashooyinkii la qabtay maalintii Jimcaha.
Saddex xisbi oo mucaarad ah ayaa waxa ay qaadaceen doorshada.
Kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa waxa ay ku eedeeyeen Mr Geelle in uu xadidayo xoriyadaha asaasiga ah.
Dalka Jabuuti ayaa waxa uu ku yaal marinka koonfureed ee Badda Cas, iyadoo taasina ay siisay muhiimad istiraatiijiyadeed oo weyn.
Waxa ay martigalisay oo fadhi ku leh saldhigga kaliya ee milateri ee uu Mareykanku ku leeyahay qaaradda Afrika.
PUNTLAND POST
The post Madaxweyne Geele oo Ku Guulaystay Doorashadiii Dalka Jabuuti appeared first on Puntland Post.