Maleeshiyada Al Shabaab ayaa soo bandhigay Sawiro muujinaya qaabka dagaalyahanooda ay u fuliyeen weerarkii Abaabulnaa ee 15-kii Bishii Janaayo ay ku qaadeen Degmada Ceelcadde ee Gobolka Gedo oo saldhib u ahayd ciidamada AMISOM kuwa kenya.
Weerarkaasi Shabaabka waxa ay ku dileen Askar badan oo Kenyaan ah kuwa kale gacanta ayey ku dhigeen, kuwaasi oo ku sugnaa Saldhigii Degmada Ceelcadde ee lagu weeraray.
Sawirada Shabaabka ay soo bandhigeey ayaa waxaa ka muuqda ruuxii fuliyay Ismiidaamintii lagu galay Irida Xerada Ceelcadde, ruuxaasi oo Shabaab ay ku sheegen magaciisa Cabdul Qaadir Axmad Cali oo ku magac dheer (Farxaan).
Shabaabka ayaa sidoo kale soo bandhigay Hub fara badan oo ay ku qabsadeen dagaalkaasi ka dhacay Degmada Ceelcadde ee ciidamada Kenya ay ku dileen.
Dowladda Kenya ilaa hada ma aysan cadeynin tirada askarta looga dilay weerarkaasi ka dhacay Degmada Ceelcadde ee Gobolka Gedo 15-kii Bishii Janaayo ee sanadkaan.
PUNTLAND POST
The post AL-Shabaab oo soo bandhigtay sida ay u fuliyeen weerarkii Ceelcadde appeared first on Puntland Post.