Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Gabdho Soomaaliyeed oo ku nool Sweden ayaa lacag ugu deeqay ciidanka Puntland

$
0
0

Garowe(Puntland Post) Qurba-joogta reer Puntland ee Sweden ayaa lacag ugu yaboohay ciidamadii dhawaan ku dhaawacmay dagaalkii lala galay firxadka Al-Shabaab, iyo ehelada intii ku dhimatay dagaalkaasi.

Taliye ku-xigeenka ciidamada Bolice-ka Puntland Cabdiqaadir Shire faarax Ereg oo Shirjaa’id ku qabtay magaalada Garowe ayaa uga mahad celiyey lacag ay soo gaarsiiyeen jaaliyada Puntland ee Sweden, oo cadadkeeda ku sheegay 11,880$.

Ereg ayaa sheegay lacagtaasi inay si toos ah ugu socotay qoysaskii dhawaan ciidamadoodu ku nafwaayeen dagaaladii u dhexeeyey Al-Shabaab iyo Ciidamada Dawlada Puntland,isla markaana gaadhsiin doonaan dadkaasi.

Dhawaan ayay Garowe iyo Gaalkacyo looga dhawaaqay gudiyo ka shaqaynaya taakulanta ciidamada, waxaana arintan timid, kadib dagaalkii askarta naftood hurayaashaa ay la galeen firxadka Al-Shabaab.

PUNTLAND POST

The post Gabdho Soomaaliyeed oo ku nool Sweden ayaa lacag ugu deeqay ciidanka Puntland appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>