Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Garoowe oo marti gelin doonta shirka dib u eegista dastuurka Soomaaliya bisha May

$
0
0

Muqdisho-(Puntland Post)-Ra’aysul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke,ayaa shaaca ka qaaday in shirka dib u eegista dastuurka dalka la qorsheynayo in lagu qabto bisha May ee sanadkan magaalada Garoowe.

Mudane Sharma’arke,ayaa intaa raaciyay inay in barnaamijyada siyaasadeed ee socda ay muhiim tahay inay noqdaan kuwo daah-furan, loo wada dhan yahay, isla markaana leh sharciyad iyo kalsoonida shacabka,taasoo dowladda Puntland-na ay leedahay doorka ugu muhiimsan.

Dhammaan madaxda dowlad goboleed-yada ka qayb galaya shirka ayaa si weyn u soo dhoweeyay,iyagoo halkaasi ka jeediyay hadallo ku aaddan taageerada ay u hayaan geeddi socodka hannaanka siyaasadeed ee dalka.

Ra’aysul wasaaraha ayaa ugu dambeyntii sheegay in dhammaan hawlaha la qabanayo oo idil ay lagama maarmaan tahay inuu ansixiyo baarlamanka Soomaaliya.

The post Garoowe oo marti gelin doonta shirka dib u eegista dastuurka Soomaaliya bisha May appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>