Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Muqdisho kaga qayb galay shir hordhac u ah Shirka Madasha wadatashiga Qaran

$
0
0

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 10-April-2016-ka Qasriga Madaxtooyada Villa Soomaaliya kaga qayb galay shir hordhac ah oo loogu gogol xaadhayey shirka madasha wadatashiga Qaran ee Hoggaamiyayaasha National Leadership Forum oo berrito ka furmi doona magaalada Muqdisho.

Shirka ayaa sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa Madaxweynaha Dawladda Federaalka, Ra’iisul-wasaaraha dawladda Federaalka, Ra’iisul-wasaare ku-xigeenka,  madaxda maamullada dalka ka jira iyo xubno ka mid ah guddiyada wada xaajoodka ee dawladda Federaalka iyo dawladaha xubnaha ka ah.

Shirkaas ayaa ahaa mid loogu gogol xaadheyey shirka madasha madasha wadatashiga qaran,  waxaana intiisa badan diiradda lagu saaray sidii laysula meel dhigi lahaa ajandaha shirka berrito furmi doona iyadoona dhammaan madaxdii shirka kasoo qayb gashay ay halkaasi aragtiyadooda kusoo bandhigeen.

Hadaladii madaxda kadib waxaa laysa qaatay in shirka madasha wadatashiga qaran diiradda lagu saaro saddex arrimood oo keliya isla markaana laysla meel dhigo qaabkii loo meel marin lahaa loogana dhabayn lahaa hirgelinta qodobbadaasi, waxayna kala ahaayeen sida soo socota:

1 In laysa meeldhigo sidii dalka ay uga dhici lahayd doorasho wanaagsan oo ummadda Soomaaliyeed u horseedda in la helo dawladnimo dhab ah oo soo celisa meeqaamkii dalka Soomaaliya uu kulahaa dunida.

2 In si qoto dheer looga wada hadlo dhammaystirka dastuurka dalka oo hadda qabyo qoraal ah, oo weliba dhawr mar  oo horena wax laga beddeley qodobbo kamid ah dastuurka  iyadoo aan lagala tashan dawladaha xubnaha ka ah dawladda Federaalka, isla markaana magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland lagu qabto shirka dhammaystirka qabyo qoraalka Dastuurka.

3 In si dhab ah looga wada hadlo go’aanono looga soo saaro Amniga guud ee dalka oo hadda faraha kasii baxaya maadaama aanay jirin ciidamo qaran oo isku dhaf ah oo wata summada qaranka Soomaaliyeed oo ka hawl gala dhammaan gobollada dalka Soomaaliya, taasina ay tahay sababta ugu weyn ee Amniga guud ee dalka gacanta loogu soo dhigi la’ yahay.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in dawladda Puntland ay mar walba u taagan tahay  diyaarna u tahay sidii loo heli lahaa dawladnimo Soomaaliyeed oo soo celisa nidaamkii dawladnimo ee dalka oo gebi ahaantiisba bur-buray iyo dhisidda ciidamo qaran oo wata summadda qaranka Soomaaliyeed isla markaana ka hawl gala dhammaan gobollada dalka si loosoo celiyo qarannimadii iyo kala dambayntii.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in ay Dawladda Puntland soo dhoweyneyso shirka dhammaystirka qabyo qoraalka dastuurka oo la qorsheeyey in lagu qabto magaalada Garoowe ee Caasimadda Dalwadda Puntland.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

IMG_5111 IMG_5118 IMG_5123 IMG_5126 IMG_5128 IMG_5133 IMG_5143 IMG_5144 IMG_5151 IMG_5166 IMG_5239 IMG_5244 IMG_5249 IMG_5257

The post Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Muqdisho kaga qayb galay shir hordhac u ah Shirka Madasha wadatashiga Qaran appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>