Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Xasan Xanafi oo saaka lagu Toogtay Magaalada Muqdisho

$
0
0
Xassan Xanafi Xaaji oo fagaare lagu toogtay
Xassan Xanafi Xaaji oo fagaare lagu toogtay

Muqdisho-(Puntland Post) Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa goordhow fagaaraha School Polozia ee degmada Xamar Jajab ku toogtay Xasan Xanafi Xaaji Ismaacil oo ku eedeesnaa in uu dilay wariyaal fara badan oo lagu dilay Muqdisho.

Xasan Xanafi ayaa labo jeer lagu xukumay xukun dil ah kaddib markii maxkamada ciidamada qalabka sida iyo midda sarre ay labadaba xukuntay.

Xasan Xanafi Xaaji ayaa Maleeshiyada Al-Shabaab u qaabilsanaa qaybta Warfaafinta iyo beegsiga Suxufiyiinta ka howlgala Magaalada Muqdisho.

Goobta lagu dilaayay Xasan Xanafi waxaa ku sugnaa mas’uuliyiin ka tirsan maxkamada ciidamada qalabaka sida iyo qaar ka mid ah wariyaasha Muqdisho.

Xassan Xanafi Xaaji inta uusan u xuubsiiban Xarakadda Al-shabaab wuxuu ahaa Wariye ka hawl-gala Warbaahinta maxaliga ah ee Magaalada Muqdisho.

PUNTLAND POST

The post Xasan Xanafi oo saaka lagu Toogtay Magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>