Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

U diyaar garowga Wejiga labaad ee Shirka maamulka lagu dhisaayo oo jowhar lagu Qabtay

$
0
0

Jawhar(Puntland Post)-Waxaa fiidnimadii Xalay lagu Qabtay howlka Shirka Maamulka Usameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe xaflada loogu diyaar garoobayo Wejiga labaad ee shirka maamul usameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe

Waxaa ka soo qeybgalay Xaflada Masuuliyiinta Maamulada Hiiraan Iyo Shabeelaha Dhexe Wafdi Ka socday Wasaarada Arimaha Gudaha Soomaaliya Waxgarad, odayaal, dhaqameedyo, siyaasiyiin, haween iyo Dhalinyaro Ku abtirsada gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe

Ujeedada xafladaan ayaa eheyd sidii loogu diyaar garoobi lahaa wejjiga labaad ee Shirka maamul usameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo mudo Sedex bilood iyo toban casho uu hakad kujiro

Sababaha hakadka keenay ayaa waxaa sal u ah odayaasha oo aan ku qanacsaneyn qaabka wax loo qeybiyay iyo reer Hiiraan oo dhaliilsan goobta shirka uu kadhacayo iyo halka laga dhigaayo caasimada maamulka Hiiran iyo Shabeelaha dhexe

Qudbadihii laga jeediyay xaflada ayaa dhamaantood waxa ay dar daaran u ahaayeen wasaarada arimaha gudaha waxaana ay codsadeen kasoo qeyb galayaasha xaflada in cadaalada marwalba la eego.

Xoghayaha joogtada ah ee Wasaarada arimaha Gudaha DFS Yaxye Cali Ibraahim ayaa qudbad dheer ka jeedayay kulanka waxaana uu kula dar daarmay kasoo qeyb galayaasha in ladadajiyo shirka maamul usameynta Hiiran iyo Shabeelaha dhexe

Halkan Kadhageyso Qudbada Xoghaya Joogtada ee Wasaarada Arimaha Gudha Soomaaliya 

Puntland Post

The post U diyaar garowga Wejiga labaad ee Shirka maamulka lagu dhisaayo oo jowhar lagu Qabtay appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>