Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo gaadhey magaalada Bahar Daar ee dalka Ethiopia

$
0
0

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo gelinkii hore ee maanta 15-April-2016 ka amba baxay magaalada Garoowe ee Caasimadda Dawladda Puntland ayaa gaadhey caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Ababa waxaana uu kulan gaar ah la qaatay  Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dawladda Ethiopia Dr. Tedros Adhanom waxaana ay kawada hadleen arrimaha nabad-gelyada ee Puntland iyo Ethiopia iyo guud ahaan xaaladda siyaasadda ee Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa markii uu kulankaasi dhammaaday waxaa uu u amba baxay magaalada Bahar Daar ee dalka Ethiopia halkaas oo maalinta berrito uu ka furmi doono shirka TANA FORUM ee diiradda lagu saari doono xaaladaha amni iyo dhaqaale ee Qaaradda Afrika.

Shirka ayaa waxaa kasoo qayb geli doona Madax badan oo ka kala imaan doonta waddamada qaaradda Afrika waana shir sannadle ah oo sannadkiiba mar lagu qabto magaalada Bahar Daar ee dalkaasi isla markaana lagu soo bandhigo isbedellada dhaqaale iyo nabad-gelyo ee kuyimi qaaradda, caqabadaha taagan iyo qorshayaasha cusub oo la doonayo in la gaadho sannadka soo socda.

Shirka aya sidoo kale waxaa si gaar ah loogu lafa guri doonaa xaaladda waddamada qaaradda Afrika kamidka  ah ee ay ka jiraan colaadaha dabada dheeraaday oo sida  Soomaaliya oo ay kooxda Al-shabaab ku hayaan khal-khalka nabad gelya darro.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maalinta berrito ah waxa uu ka jeedin doona khudbad dheer oo uu kaga hadli doono xaaladaha amni iyo dhaqaale ee Soomaaliya iyo gaar ahaan koboca dhaqaale ee ka jira Puntland iyo horumarka dardarta ku soconaya  kaabayaasha dhaqaalaha Puntland iyo sidoo kale baahiyaha amni iyo dhaqaale ee Puntland iyo Soomaaliya.

Waa sannadkii saddexaad ee shirka TANA FORUM lagu qabto magaalada Bahar Daar ee dalka Ethiopia, isla markaana waa sannadkii saddexaad ee uu ka qayb galo Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas isagoo casumaad rasmi ah ka helay Ra’iisul-wasaaraha dalka Ethiopia.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa markii uu ka degey caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Ababa waxa uu kulan gaar ah la qaatay  Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dawladda Ethiopia Dr. Tedros Adhanom waxaana ay kawada hadleen arrimaha nabad-gelyada ee Puntland iyo Ethiopia iyo guud ahaan xaaladda siyaasadda ee Soomaaliya.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.
0edf7096-a498-47fd-97f3-7af192fc7694 002db42c-357c-4cc9-bee4-194f9f385950 6fab52de-046f-44a0-8c8f-0355417c90b9 954a3fbf-e70d-4f44-a84e-038c94cb82f5 025028dc-1320-4233-8623-04618281f2b6 aec885d7-09d9-446e-bc90-e76985a8e01a bf8b45a2-b4cf-47a8-9fe1-9744d283ecb9

The post Madaxweynaha Dawladda Puntland oo gaadhey magaalada Bahar Daar ee dalka Ethiopia appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>