Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxweynaha Dawladda Puntland Magaalada Bahar Daar ee Dalka Ethiopia aga qayb galay shirka Tana Forum

$
0
0

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo waftigii uu hoggaaminayey ayaa maanta 16-April-2016 magaalada Bahar Daar ee dalka Ethiopia kaga qayb galay shirkii sannadla ahaa ee Madaxda Afrika ee Tana High Level Forum ee looga hadlayey xaaladaha dhaqaale iyo amni ee Qaaradda Afrika oo saaka ka furmay halkaasi.

Sidoo kale shirka ayaa waxaa kasoo qayb galay madax tiro badan oo ka kala timi dalalka ay ka kooban tahay qaaraddani Afrika iyadoo madaxweyne walba oo shirka kasoo qayb galayna uu khudbad halkaasi kajeedin doono.

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo goor dhow shirka khudbad taariikhi ah ka jeedin doona ayaa khudbaddiisa waxa uu xoogga ku saari doonaa guud ahaan xaaladaha Amni iyo dhaqaale ee waddanka Soomaaliya gaar ahaa Puntland oo ay ka jirto koboca dhaqaale iyo amni oo ay kaga duwan tahay gobollada kale dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa waxa uu madasha ka sheegi doonaa doorka ay dawladdiisu siisay dar-dar gelintadhismaha  kaabayaasha dhaqaalaha ee Puntland sida Jidadka, Dekedaha iyo Garoomada diyaaradaha oo saamayn weyn ku leh koboco iyo kor u qaadista dhaqaalaha Puntland, isla markaana muddadii uu xilka hayey uu ku sameeyey is beddello taabba gal ah.

Sidoo kale waxaa uu Madaxweynuhu khudbaddiisa kaga hadli doonaa Xaaladda Amni ee dalka gaar ahaan Puntland oo ay ka jirto nabad gelyo buuxda oo laysku hallayn karo, waxa uu sidoo kale Madaxweynuhu khudbadiisa ku xusi doonaa guulihii  ciidamada Puntland ay  iyagoo aan cidna wax taageero ah ka heleyn kasoo hooyeen kooxdii shabaab ee duullaanka kusoo qaaday Puntland iyo dharbaaxadii lama ilaawaanka ahayd ee ay ciidamada Puntland ku dhufteen kooxdaasi.

Shirkaas ayaa socon doona muddo labo maalmood ah waxaan la rajeynayaa in lasooo afmeero maalinta Axadda ah ee  berrito isla markaana ay kasoo baxaan qodobbo wax ku ool ah.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.
4caa8b5a-08b7-4695-8fd8-d9c38cfe3772 4cb9645d-0274-4777-a203-0bfd3ddb0a43 34b71c6f-0c1e-47b6-9c5c-119ee3ae5f6b 47a28076-41da-4c4b-8170-d82f9f395ae5 3833aee7-ba28-4bb5-a348-2531a1e1d3c0 330368b9-1526-4e8e-810e-cd623104baa8 b29b3e06-eba9-4661-a4a6-bdeeb229f10f dbd26c72-26ae-4fa2-b161-2502920e9ac0 dbf44c8e-dd51-4c47-b141-cc1b11577c77

The post Madaxweynaha Dawladda Puntland Magaalada Bahar Daar ee Dalka Ethiopia aga qayb galay shirka Tana Forum appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>