Garacad-(Puntland Post) Dowlada Puntland ayaa Ciidamo badan geysayay deegaanka Garcad oo ka tirsan Gobolka Mudug, halkaasi oo muddooyinkii ugu dambeeyay Dowlada Puntland xooga saareysay ammaankeeda.
Ciidamadan oo isugu jira kuwa badda iyo kuwa Difaaca Puntland ayaa shalay loo daadgureeyay deegaanka Garacad, waxaana qorshaha uu yahay inay xoojiyaan ammaanka deegaankaasi.
Sidoo kale shalay Deegaanka Garacad waxaa lagu arkay diyaarad dul wareegaysay Bariga iyo Badda, iyadoo la aaminsan yahay diyaaradaasi inay leeyihiin ciidamada Puntland.
Mid kamid ah Dadka ku nool Deegaanka Garacad oo la hadlayay Puntland Post waxa uu sheegeay shalay inay arkayeen diyaarada oo dul heehaabaysa deegaanka.
”Diyaaradaan maanta oo dhan way na dul heehaabaysa,waxaana u malaynayaa iney tahay mida Ciidamadda Dowladda.”Ayuu yiri goob-joogahas.
Dowlada Puntland ayaa horay u sheegay inay ka feejigan yihiin weeraro Shabaabka ay ku soo qaadaan deeganada Puntland.
Ururka Al Shabaab ayaa duulaan qorsheysan ku qaaday deegaano ka tirsan Puntland, balse dagaalo ciidanka Dowlada Puntland ay la galeen Shabaabka ayaa lagu laayay ciidamadii Shabaab, halka qaarkoodna nolosha lagu qabtay.
Puntland Post
The post Dowlada Puntland oo ciidamo badan geysay deegaanka Garacad ee Gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.