Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Taliska Booliska Gobolka Bari oo Gacanta Ku Dhigay Gaari Khamri Siday Iyo Ragii Watay.

$
0
0

Taliska booliiska gobolka bari ayaa maanta soo bandhigay  gaari siday kartoono khamri  iyo labo nin oo watay, kuwasoo lagu qabtay  tuulada kalabayr oo qiyaastii 70km u jirta  degmada bosaso, xili ay doonayeen in si qarsoodi ah ay u soo galiyaan magaaladda.

Taliyaha qaybta Booliska gobolka G/S C/xakiim  Xuseen Yuusuf oo shir jaraa’id ku qabtay kotoroolka Bosaso ayaa sheegay in ciidanku ay qabteen 50 dhallo oo khamri oo ah nooca lagu soo farsameeyo dalka ethiopia, kaasi oo lagu soo dhex qariyay baabuur nooca xamuulka qaada  ah oo ka yimid degaanka Ceel daahir ee isla gobolka bari

Taliyuhu wuxuu sheegay  in khamriga laga keenay wadamada deriska ,oo uu yahay nooc xun oo  aan laga isticmaalin dalalka laga soo saaro, waxaana uu tilmaamay in cabitaankiisu uu waxyeelayo caafimaadka qofka, islamarkaana uu yahay xaaran in la cabo.

“ Dad caloolshood u shaqaystayaal ah oo aan dalka iyo dadka midna ka naxayn ayaa loo soo dhiibaa oo dalka si tuugo ah ku soo galiya, Hadafka laga leeyahayna uu yahay in dadka lagu fasahaadiyo” ayuu yiri, wuxuuna sii raaciyay

“ magaalada bosaso  dambiyadda ka dhaca sida tuugada, dhaca, kufsiga iyo dilalka %90 waxaa sababa  isticmaalka khamriga” ayuu yiri

Taliyuhu wuxuu  digniin u diray dadka ka ganacsada khamriga iyo maandooriyayaasha kale, waxaana uu ka codsaday  inay ka kaaftoomaan oo iska daayaan ka ganacsiga khamriga iyo cabidiisa, ayna ka ka xishoodaan ilaahay oo aakhiradooda u baqaan, islamarkaana ay uga turaan ummadooda ka iibinta maadooriye caafimaadkooda wax yeelaya.

“ Ciidamada amnigu u turi maayaan cid kasta oo  lagu qabto inay khamri iyo maandooriye soo galinaysa gobolka bari iyo qof kasta oo ka ganacsada oo lagu qabto” ayuu yiri

Geesta kale, Mid ka mid ah labadii nin ee lagu qabtay khamriga oo ahaa wadihii baabuurka oo magaciisa qariyay ayaa sheegay in khamriga laga soo saaray tuuladda Ceeldaahir ee gobolka bari, iyadoo markii hore laga keenay dhinaca  degmadda ceerigaabo ee gobolkaas sanaag.

Taliyaha Booliska gobolka bari
khamri 1 khamri 2 khamri 3
khamri PUNTLAND POST

The post Taliska Booliska Gobolka Bari oo Gacanta Ku Dhigay Gaari Khamri Siday Iyo Ragii Watay. appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>