Kadib markii dhowaan laysla meel dhigay hannaanka geeddi-socodka doorashooyinka dalka soomaaliya ee bilaha August iyo September ayaa waxaa soo badanaya musharrixiinta u tartamaya jagada madaxweynenimo ee dawladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo olole cusub ka wada meelo kala duwan oo dalka iyo dibaddaba ah.
Cabdiwahaab Ugaas Khaliif Ugaas Xuseen oo ah Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliyeed horena usoo noqday Wasiirkii Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha isla markaana ahaa Ra’iisul-wasaare kuxigeen xilligii xukuumaddii Badbaado Qaran ee Uu Ra’iisul-wasaaraha ka ahaa Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu yahay musharrax u tartamaya jagada madaxtinimo ee dalka Soomaaliya 2016-ka.
Musharrax Cabdiwahaab Ugaas Khaliif Ugaas Xuseen oo kasoo jeeda qoys ku suntan dhaqan ayaa waxaa lagu yaqaaney xilligii uu ahaa Ra’iisul-wasaare ku-xigeenka in uu aad uga shaqayn jirey barnaamijyada nabadaynta dalka, dib u heshiisiinta beelaha, ka shaqayntay xallinta khilaafkii u dhexeeyey dawlad goboleedka Jubba-land iyo dawladda federaalka Soomaaliyeed iyo hirgelinta hannaanka federaalka dalka.
Sidoo kale dawladda Puntland waxa uu kalasoo qayb galay shirar badan oo looga hadlayey horumarinta Puntland oo uu ka mid yahay Ansixintii dastuurka dawladda Puntland oo uu khudbad taariikhi ah ka jeediyey iyo socdaalladii dheeraa uu Madaxweynaha Dawladda Puntland ku marayey gobollada fogfog ee Puntland isla markaana uu ka mid ahaa waftigii Madaxweynaha, sidoo kale waxa uu door ku lahaa xallintii shaqaaqadii gaalkacyo ee u dhexaysey ciidamada Dawladda Puntland iyo kuwa maamulka ku meel-gaadhka ah ee Galmudug oo ay wehelinayeen ciidamo ka tirsan xoogga dalka.
Cabdiwahaab Ugaas Khaliif waxa uu sheegay in uu is beddel dawladnimo oo wanaagsan dalka ka hirgelin doono haddii uu ku guuleysto xilkaasi isla markaana uu xoogga saari doono midnimada iyo isusoo dhoweynta Ummadda Soomaaliyeed ee ay kala irdheeyey danaha siyaasadeed ee gaarka ah iyo dagaallada wejiyada badan ee dalka soo ragaadiyey.
—DHAMMAAD—
The post Ra’iisul-wasaare ku-xigeenkii hore ee Soomaaliya oo sheegay in uu yahay musharrax u taagan jagada Madaxtinimo ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.