Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Kulan Xiiso Badan Oo Galabta Dhex Mari Doonta Manchester United Iyo Leicester City

$
0
0

Manchester-(Puntland Post) Leicester City ayaa u dabaaldagi doonta maalintii ugu weyn ee taariikhda kooxda maata marka ay u safarayaan Old Trafford waa hadii ay ka badiyaan Manchester United.

kulanka maanta guul ay gaaraan ayaa u xaqiijin doonta horyaalkii ugu horeyay abid ka dib xilli ciyaareed cajiib ahaa.

Kulanka: Manchester United vs. Leicester City

Garoonka: Old Trafford

Saacada Geeska Afrika: 4:05 galabnimo

Wararka labada Kooxda

Leicester waxaa ka maqnaan doona Vardy waana kulankiisii ugu dambeeyey ee uu ganaaxnaanayo ka dib markii casaan uu siiyay garsoore Jonathan Moss 17-dii April 2016 kulanii ay la ciyaareen West Ham ee barbaraha ku dhamaday.

Ulloa ayaa la filayaa in mar kale uu buuxiyo booskiia ka dib markii uu labo gool dhaliyay kulankii Swansea, inkastoo weeraryahanka uu ka cabanaayo dhaawac dhabarka ah iyadoo la qiimeyn doonaa waqtiyada ciyaarta ka horeeya.

Claudio Ranieri ayaa sidoo kale go’aan ka gaaraya hadii uu la soo shirtagaayo Jeffrey Schlupp ka dib markii uu ku bedelay Albrighton shaxdoodii todobaadkii la soo dhaafay.

Mahrez, N’Golo Kante iyo Wes Morgan ayaa ku lug yeelan doono, kulankaan oo au kooxdu qaadi karto koobka Premier League.

dhanka kale, Manchester United waxaa ka maqnaan doona Bastian Schweinsteiger iyo Luke Shaw, halka ciyaarta ay sidoo kale u badan tahay in uu yimaado Adnan Januzaj.

Ciyaartoyda sida Juan Mata, Morgan Schneiderlin iyo Ander Herrera ayaa la rajeynayaa in dib loogu yeeri doono iyagoo laga saaray shaxdii kulankii ay guusha ku gaareen Wembley ee FA Cup-ka

Leicester waa mid ka mid ah saddexda koox oo Premier League ah oo uu Wayne Rooney ku guuldareysatay inuu shabaqeeda soo taabto isagoo ciyaaryahan Manchester United ah , laakiin waa in uu soo afjaro rikoorkaan xun ee aan la rabin Isbuucaan markaas oo uu noqon doono qofka labaad ee dhaliya wa ka badan 100 gool Premier League hal garoon kadib Thierry Henry, 114 ee Highbury.

Si kastaba ha ahaatee, kabtanka United waxa uu leeyahay oo kaliya todoba gool oo horyaalka ah xilli ciyaareedkan waana markii ugu horeysay goolal intaa la eg uu dhaliyo waayihiisa ciyaareed ee 12-ka sano ah.

 

United ayaa badisay kaliya mid ka mid ah saddexdii kulan ee ugu danbeysay Premier League oo ka dhan ah Leicester.

Foxes kuma badinin Old Trafford tan iyo bishii Janaayo ee sannadii 1998, markaas oo Tony Cottee dhaliyay goolka kaliya ee ciyaarta, halk macalin Ranieri sagaal kulan  uu ka hor yimid United uu kala kulmay labo guul, shan barbaro iyo labo guuldaro.

Kulankii hore ee xilli ciyaareedkan ayaa ku dhamaatay barbaro 1-1 ciyaartaas oo ka dhacday King Power Stadium iyadoo Schweinsteiger uu kansalay goolkii furitaanka ee ee rikoor jabiska ahaa ee Jamie Vardy.

Shaxaha Macquulka AH Ee Labada Koox:

Man Utd : De Gea; Fosu-Mensah, Smalling, Blind, Rojo, Fellaini, Schneiderlin, Mata, Rooney, Martial, Rashford

Leicester: Schmeichel, Simpson, Morgan, Huth, Fuchs; Mahrez, Kante, Drinkwater, Albrighton, Ulloa, Okazaki

PUNTLAND POST

The post Kulan Xiiso Badan Oo Galabta Dhex Mari Doonta Manchester United Iyo Leicester City appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles