Bosaso(Puntland Post) Wafdi ka socda dowladda Talyaaniga, IGAD iyo dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Axad ah soo gaaray magalada Bosaso ee xarunta Gobalka Bari.
Saraakiishan waxaa xarunta madaxtooyada kusoo dhaweeyay madaxwayne Cabdiweli Maxmaed Cali Gaas iyo wasiiradiisa, waxayna ujeedkooda yahay sidii ay goob joog uga noqon lahaayeen dhagax dhiga wajiga labaad dhismaha garoonka diyaaradaha magalada Bosaso.
Madaxwayne Cabdiweli Maxmed Cali Gaas oo hadalka ku horeeyay ayaa sheegay inuu uga mahad celinayo taageerada dowlada Talyaaniga iyo IGAD ee ay la garab taagan yihiin Puntland waxa kale uu sheegay masuuliyiintan inay Bosaso u yimaadeen ka qayb galka dhagax dhiga Airporta-ka Bosaso.
Safiirka dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay soo dhawaynta loogu sameeyay magalada Bosaso, waxa kale uu sheegay inay u yimaadeen Puntland sidii ay u xaqiijin lahaayeen taageerada Talyaaniga ay Soomaaliya siiso gaar ahaan Puntland.
Xoghayahe guud ee urur-goboleedka IGAD Maxmuum Macalin ayaa sheegay in Puntland ay ka taageerayaan arrimaha horumarka iyo amniga.
Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada DFS oo isaguna hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu isagoo matalaya dowladda Federaalka kasoo qayb galo dhagax dhiga wajiga labad dhismaha garoonka diyaaradaha Bosaso.
Wafdigan culus ayaa lagu wadaa in caawa loo sameeyo kulan soo dhawayn ah kaasoo laga qaban qaabinayo xarunta madaxtooyada Bosaso, sidoo kalena waxaa beri la dhagax dhigayaa wajiga labaad dhismaha garoonka.
PUNTLAND POST
The post Wafdiyo ka socda IGAD,Talyaaniga iyo DFS oo maanta soo gaaray magalada Bosaso appeared first on Puntland Post.