Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Guddiga doorashooyinka Puntland iyo madaxa UNSOM oo Garowe ku kulmay

$
0
0

Garowe(Puntland Post) Guddiga doorashooyinka KMG ee Puntland ayaa maanta la Kulmay xubno kasocda xafiiska Qaramada Midoobay u qaabils arrimaha Somalia ee UNSOM, waxayna kawada hadleen howlo la xiriira mashruuca dimuqraadiyadda iyo qaabkii wadashaqayn toos ah u yeelan lahaayeen.

Kulanka oo ka dhacay xarunta TPEC ee magalada Garowe, ayaa waxaa joogay dhammaan Sagaalka xubnood ee guddiga iyo xunaha AMISOM oo uu hogaaminayay ninka u qaabilsan Puntland oo lagu magacaabo Howerd Bell.

Shirkan ayaa intii uu socday, waxaa lagu falanqeeyay qaabka ugu haboon ee lagu gaari karo nidaamka Axsaabta badan iyo qaabka hay’addaasi u caawin karto guddiga.

Gudoomiyaha guddiga doorashooyinka KMG ah ee Puntland Axmed Maxamed Cali (Kismaayo),oo ka warbixiyay isu imaantinkaasi wuxuu ku saabsanaa, ayaa sheegay inuu ahaa codsi kayimi dhinaca UNSOM islamarkaana diiradda lagu saaray qaabkii looga xaajoon lahaa mashruuca dimuqraadiyaynta Puntland.

“Dabcan waxay ahayd booqashadii ugu horraysay oo xafiisku noogu yimaado intii hadda guddiga la aas-aasay, ujeedaduna waxay ahayd kulankan maanta xarunta ka dhacay, bal marka hore is waraysi kooban iyo isbarasho maadaama uu ahaa kulankii ugu horreeyay,” Ayuu yiri guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Puntland Axmed Maxamed Cali.

Kismaayo, wuxuu sheegay inay xubnaha sidoo kale ka wada hadleen qaabkii loo taageeri lahaa barnaamijkan islamarkaana UNSOM ugu qareemi lahayd in la taageero guddiga doorashooyinka iyo nidaamka dimuqraadiyaynta Puntland.

“Dabcan UNSOM iyada ayaa lahayd codsiga inay nasoo booqato, waxaana kawada hadalnay, taageeradda guddiga iyo waxa ay la qaban karto islamarkaana waxaan isla soo qaadnay inay afhayeen nooga noqoto beesha caalamka,” Ayuu yiri Kismayo oo warbaahinta kula hadlay xarunta guddiga doorashooyinka ee magaalada Garowe.

Dhawaan ayay ahayd markii guddigan ay ansixiyeen Barlamanka Puntland oo kalfadhi aan caadi ahayn yeeshay, waxaana horyaalla howlo badan oo lagu gaarayo nidaamka axsaabta badan.
IMG_0425

IMG_0427

IMG_0430

IMG_0432

IMG_0436

IMG_0444

IMG_0448

IMG_0453

IMG_0454

IMG_0456

IMG_0457

IMG_0460

IMG_0465

IMG_0468

IMG_0470

IMG_0472

IMG_0475

IMG_0476

IMG_0479

IMG_0481

IMG_0484

IMG_0489

IMG_0493

IMG_0494

IMG_0498

IMG_0501

IMG_0516
PUNTLAND POST

The post Guddiga doorashooyinka Puntland iyo madaxa UNSOM oo Garowe ku kulmay appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>