Garoowe: (pp)- Maamulka Soomaaliland ayaa maanta si rasmi ah ugu wareejiyey Laamaha amaanka Puntland mid kamid ah dhagarqabayaashii sida weyn ugu lug lahaa Dilkii allaha u Naxariistee Shiikh C/qaadir Nuur Faarax, Laamaha amaanka Soomaliland ayaa maanta gacanta usoo geliyey dhanka Puntland eedaysanahan oo lagu Magacaabo C/llaahi Cismaan Axmed (Caynte) oo u baxsaday Dhanka Soomaliland hase ahaate ay ciidamada Soomaaliland gacanta ku dhigeen mudadii u dambaysana ay ku hayeen Magaalada Hargaysa ee Maamulka Soomaliland.
Soo wareejinta ninkan ayaa waxay ku timi wada hadal dhex maray labada Dawladood, Waxaana inay wareejin doonaan ninkan horay usii shaaciyey Wasiirka Arimaha gudaha ee Somaliland Maxamed Nuur Caraale Duur, Waxaana maanta lasoo wareegey Saraakiil katirsan Ciidamada amaanka iyo weliba Wasiirka Amniga Puntland Khaliif Ciise Mudan.
Baaritaano lagu sameeyo kadib waxaa la rajaynayaa in ninkan iyo dadka la eedaysanba la horkeeni doono Maxakamad si loogu maxkamadeeyo dambiga ay galeen, waxaana soo wareejinta ninkan si aada usoo dhaweeyey guud ahaan dadka reer Puntland oo ku tilmaamay talaabo horay loo qaaday.
Waxaa iminka Magaalada Garoowe ku xiran tiro dad ah oo loo haysto dilkii alle haw naxariistee Shiikh C/qaadir Nuur Faarax waxaana dadkaas ku jira gacan ku dhiig lihii gacantiisa dilka ku fuliyey.
puntlandpost.com