Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

MUQDISHO: Ra’iisal Wasaaraha oo ku tilmaamay socdaalkiisii deegaanada dalka, guul dhanka arimaha guddaha laga gaaray

$
0
0

Muqdisho: (pp)-  Ra’iisal Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo manta soo gabo-gabeeyay kormeer sadex maalmood qaatay oo uu ku soo maray Puntland iyo Galmudug, ayaa ku tilmaamay socdaalkiisa guul dhanka arrimaha gudaha iyo amniga laga gaaray.

Raiisal wasaare saacid oo ka hadlay safaradii uu ku tegay meelo ka mid ah dalka.

Raiisal wasaare saacid oo ka hadlay safaradii uu ku tegay meelo ka mid ah dalka.

“Safarka aanu ku soo kala bixinay deegaanada dalka iyo guulihii is afgaradka lahaa ee aanu ka gaarnay, waxay muujinayaan in dadka Soomaaliyeed iyo madaxdooduba ay u heelan yihiin in ay si buuxda ula shaqeeyaan dawladda federaalka,” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha oo saxaafada kula hadlay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Ra’iisal wasaaraha ayaa socdaaladiisa gobollada ku tilmaamay kuwo muujinaya sida dawladdu diyaar ugu tahay inay shacabkeeda dhagaysato lana socotto xaaladooda mid nololeed iyo dhaqan dhaqaalaba.

“Dawladda  Federaalka ee Soomaaliya waxaa ka go’an in ay dadkeeda dhegaysato, dhibaatooyinka haysta u kuur-gasho, rabitaankooda ku shaqayso, xalkana halkaas ka raadiso”, ayuu yiri Ra’iisal Wasaqaruhu, asagoo intaas ku daray inay qorshaha ugu jirto in booqashooyinka la sii wado oo dawladdu booqato dhamaan gobollada Soomaaliyeed.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa sheegay in socdaalkii dawladdu ku soo dhamaaday guul iyo is afgarad dhan walba laga gaaray. Waxaa uu sheegay inay shacbiga iyo maamuladu muujiyeen taagerada weyn ee ay u hayaan dawladda iyo sida ay diyaarka ugu yihiin in iskaashi buuxa oo dhan walbaa la yeesho.

“Ummadu waxay doonaysaa in la dar-dar galiyo hirgalinta nidaamka federaaliga ah, ayadoo dastuurka lagu salaynayo. Waxayna soo dhaweeyeen cunnoqabatayntii laga qaaday Soomaaliya ee waqtiga dheer saarneyd, ayagoo arka baahida looqabo dhismaha ciidan qaran oo tayo,” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaruhu

Marka la eego dhanka nolosha dadka ayuu Ra’iisal Wasaaruhu sheegay in uu jiro wal-wal laga qabo qiimo dhaca ku yimid Dollarka iyo in dawladdu ka hawlgalayso sidii loo heli lahaa Shilling Somaali cusub. Asagoo intaa ku daray in shacbigu dalbadeen habcanshuureed midaysan ayna dawladdu dajisay sharciga jaangooyada cashuuraha dalka oo dhawaan lagu wado inuu dhaqan galo.

“Sadex bilood gudahood wax badan baan ka qabanay balanqaadyadii dawladda, waxaana balan qaadaynaa inaan labo jibaarno dadaalka aan ugu jirno nabada iyo horumarka dalka iyo ummada Soomaaliyeed”, ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya.

Puntlandpost.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>