Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Hambalyo u diray Shacabka reer Jabuuti.

$
0
0

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo waftigii uu hoggaaminayey oo maanta magaalada Jabuuti ee caasimadda dalka Jabuuti kaga qayb galay munaasabadda caleemo saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa ugu hambalyeeyey Madaxweynaha Jabuuti xilkaasi culus ee markii afraad ay u igmadeen shacabkiisu.

Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa sheegay in Madaxweynaha dawladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uu is beddello horumarineed ka sameeyey dalkaasi muddadii uu Madaxweynaha ka ahaa isla markaa uu u rajeynayo in uu sii wado dedaalada horumarineed ee uu ugu jiro dalkiisa.

“ Runtii aad baan ugu faraxsanahay in aan kasoo qayb galo caleemo saarka Madaxweyne Ismaaciil oo runtii waddankaan isbeddel aad  u weyn ka sameeyey, isbeddel dhaqaale, horumar iyo kaabayaal dhaqaale oo waddankani u baahnaa ayuu Madaxweynuhu sameeyey, guul iyo khayr baan u rajeynayaa, Eebbena waxaan uga baryayaa in uu xilkaasi ku asturo” ayuu yiri Madaxweyne Dr. Cabdiweli Maxamed Cali.

Sidoo kale Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa hambalyo u diray shacabka reer Jabuuti  meelkasta oo ay joogaan waxaana uu ilaahay uga baryey in barwaaqo iyo horumar ku gaarsiiyo sannadka sannadkiisa.

Dhinaca kale Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa la kulmi doona  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle isla markaana waxa ay kawada hadli doonaan ammaanka iyo xasilloonida geeska Afrika iyo xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee u dhexeeya dawladda Puntland iyo dawladda Jabuuti.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.
13115448_1064897360241332_383440545_n 13141036_1064897350241333_1140091080_n 13149868_1064897396907995_1684933743_n 13180899_1064897410241327_660555272_n 13187682_1064897400241328_1299738360_n (1) 13187682_1064897400241328_1299738360_n

The post Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Hambalyo u diray Shacabka reer Jabuuti. appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>