Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Dablay hubaysan oo xalay weeraray Guriga gudoomiyaha Somaliland u qaabilsan Gobalka Sool

$
0
0
Gudoomiyaha Gobalka Sool dhanka Somaliland (Mustafe)
Gudoomiyaha Gobalka Sool dhanka Somaliland (Mustafe Cabdi Ciise)

Laascaanood(Puntland Post)-Dablay hubaysan ayaa xalay saqdii dhexe rasaas ooda kaga qaaday guriga uu Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobalka Sool ka degan yahay Gudoomiyaha Gobalkaas u qaabilsan Maamulka Somaliland, waxaana dablaydaas sidoo kale rasaas ugu jawaabay ilaalada guriga Gudoomiyaha.

Gudoomiyaha Somaliland u qaabilsan Gobalka Sool Mustafe Cabdi Ciise ayaa xiligii la rasaaseeyey gurigiisa ku maqnaa Magaalada Hargeysa, lamana soo sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay weerarka ay dablaydaas hubaysan ku qaaday Guriga Gudoomiyaha, walow ilaaladii Guriga iyo kooxda hubaysan ay rasaas xoogan is dhaafsadeen.

Goob joogayaal ku sugan Magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in wax yeelo rasaastii dablayda hubaysan kasoo gaartay Guriga Gudoomiyaha.

Magaalada Laascaanood waxaa ka dhaca weeraro tiro badan oo lala eegto masuuliyiinta Somaliland u jooga Gobalkaas tan iyo markii ay Somaliland la wareegtay Gacan ku haynta Magaaladaas sanadkii 2007.

Puntland Post

The post Dablay hubaysan oo xalay weeraray Guriga gudoomiyaha Somaliland u qaabilsan Gobalka Sool appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>