Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Shabaab oo sheegtay Degmada Tooratoorow inay kula dagaalameen ciidamo Mareykan ah

$
0
0

Maleeshiyada Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay xalay fashiliyeen weerar ay sheegeen in ay kusoo qaadeen Ciidamo katirsan kumaandooska dalka Mareykanka oo watay Diyaaradaha Qumaatiga u kaca.

Degmada Tooratoorow waxaa ku sugan oo Maamula Maleeshiyada Ururka Al Shabaab, waxa ayna sheegeen ciidankaan Mareykanka oo doonaayay inay howlgal gaar ah ka fuliyaan xalay saqdii dhexe ciidamada Shabaabka inay fashiliyeen.

Sarkaal ka tirsan Maleeshiyada Shabaabka ayaa sheegay ciidan Mareykan ah oo wata Diyaarado dagaal inay ku soo dageen meel 6-KM u jirta Degmada Tooratoorow, kadibna dagaal uu ka dhacay meel 2-km ujirta Degmadaasi.

Ciidamada Shabaabka ayuu shegay inay dagaal toos ah kala hortageen ciidamada Mareykanka oo Khasaare halkaasi ay ku gaarsiiyeen.

Maleeshiyada Shabaabka waxa ay sheegteen inay ka qabsadeen ciidamada Mareykanka qoriga loo yaqaan RBG iyo Jabshe, islamarkaana ay jiraan raadad muujinaya in Khasaare la gaarsiiyay ciidamada Mareykanka ee doonaayay weerarka qorsheysan inay fuliyaan.

Ka sokoow hadalka ka soo yeeray Maleeshiyada Ururka Al Shabaab ma jirto ilo wareedyo madax Banaan oo xaqiijinaya in ciidamada Shabab iyo ciidan Mareykan ah xalay ay ku dagaalameen Degmada Tooratooro.

Muddooyinkii dambe ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Somaliya ayaa fulinaayay weeraro qorsheysan oo lagu qaadayaayay Degmooyinka Shabaabka ay maamulaan.

The post Shabaab oo sheegtay Degmada Tooratoorow inay kula dagaalameen ciidamo Mareykan ah appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>