Caabudwaaq-(Puntland Post) Waxaa gelinkii dambe ee shalay magaalada Caabudwaaq gaar ahaan Qabuuraha Dab-Casar lagu aasay Marxuum Ugaas Ciise Ugaas C/dulle oo ka mid ahaa Ugaasyada ugu faca weynaa Soomaaliya.
Aaska Ugaaska ayaa waxaa ka qeyb galay Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya, Masuuliyiin ka kala socday Dowlada Puntland iyo Maamulka Galmudug, Isimo, Siyaasiyiin, iyo Ra’isal Wasaarayaal Xilal kala duwan ugu soo qabtay Dowladihii dalka soo maray..
Ugaaska, ayaa sagaalkii bishan ku geeriyooday Magaalada Muqdisho, waxaana diyaarad loogu qaaday Magaaladaasi Caabudwaaq, si loogu aaso.
Madax ay ka mid yihiin Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Ugaaska.
PUNTLAND POST
The post Ugaas Ciise Ugaas Cabdulle oo Aas ballaaran loogu sameeyay Magaalada Caabudwaaq appeared first on Puntland Post.