Nairobi-(Puntland Post) Dowladda Mareykanka ayaa waxay Dowladda Kenya ugu yeertay inaanay xirin xeryaha qaxootiga ee ku yaala Degmada Dhadhaab ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.
Xoghayaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, John Kerry, ayaa wuxuu sheegay inuu ka walaacsan go’aanka Kenya, ee ku aadan inay albaabada isugu laabeyso xeryaha qaxootiga bisha November.
Xoghayaha, ayaa sheegay in Dowladda Kenya uu kala hadlay inay sii wado kaalinteeda ku aadan gabbaadka ay siinayso dadka ka soo cararay colaadaha.
Sidoo kale waxaa uu sheegay inuu Dowladda Kenya ugu yeeray inay ilaaliso shuruucda caalamiga ah, isla-markaana aanay si khasab ihi ku celin qaxootiga.
Dowladda Kenya, ayuu ugu baaqay inay Hay’adda UNHCR kala shaqayso, in qaxootiga doonaaya si iskooda ihi loogu celiyo dalkooda, ayna xaqdhawrto heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee sanadkii 2013-ka, ay la gaartay Dowladda Somaliya iyo UNHCR.
Bayaan uu soo saaray John Kerry, ayuu Arbacadii ku sheegay in Mareykanku uu Kenya ka caawiyay wadaagista masuuliyadda qaxootiga, ayna kala shaqeeyeen kaalmada bani’aadanimo iyo dib u dejin loo sameeyay qaxooti fara-badan.
PUNTLAND POST
The post Mareykanka oo Kenya ugu Baaqay in Aysan xirin xeryaha qaxootiga ee Degmada Dhadhaab appeared first on Puntland Post.