
Agaasimaha guud ee Hayadda Astaynta Maamul Wanagga iyo la dagaalanka Musuqmaasuqa dowladda Puntland Mr Cabdiraxmaan Cali Guureeye ayaa war baxin kooban oo uu siiyey warbaahinta Puntlandpost, rajo wanaagsan ka muujisay in Puntland maamul wanaag dhab ah oo qotoma ka hir gali karo Puntland muddo gaaban , sidoo kalena Musuqmaasuqa aad loo yarayn karo amaba la cirib tiri karayo, balse loo baahan yahay in dowlad iyo shacabba si dhab ah la isaga xilsaaro hir galintiisa.
Agaasimaha oo warbaahinta Puntlandpost ku booqatay xafiiskiisa magaalada Garowe ayaa Mar labaad codsatay in dolwad iyo shacaabba si dhab ah loogu wada istaago in Maamul wanaaggu si rasmi ah uga taabba galo Puntland oo dhan.
“qofkii doonta ayaa hela Maxa ka maqan, Waxaan u baahan nahay doonid iyo doorasho ku aadan in Maamul wanaaggu ku baaho bulshaweynta reer Puntland oo dhan, si taas loo gaarona ay lagama maarmaan tahay in qof walba uu doorkiisa wadaninimo uu qaato”.
Agaasimuhu wuxuu ku dheeraaday Maamul wanaagga aan doonayno waxa uu yahay:
“Waxaan doonaynaa in Maamul wanaaggu ka muuqdo, guryaheenna, xafiisyadeenna, goobaheenna ganacsiga iyo meel kasta oo adeegga bulshada ka socdo.
Waxaan doonaynaa in aan soo saarno bulsha nadiif ah oo ay ka muuqato hufnaan, kana maran, qabiil, eex, musuqmaasuq, iyo aamin darro.
Waxaan doonaynaa in aan noqono ummad leh ilbaxnimo la saan qaadi karta dunida horu socodka ah ee maamul wanaagga dooratay, kana fogaatay wax walba oo dib u dhac iyo sharaf xumo u keeni karaya dadka iyo dalka , kaas oo ay ka mid yihiin Aamin xumada, beenta, Maamul xumada iyo wax is dabamarinta.
waxaan doonaynaa in aan noqono Ummad is aamini karta, lana aamini karo, waxaan doonaynaa in aan noqono ummad horseed u noqota geeska afrika laguna yaqaan,Maamul wanaag, daacadnimo, run sheegnimo, aamminnimo iyo is caawin”.
Xafiiska maamul wanaagga iyo la dagaalan musuqmaasuqa ayaa aad u ammanay shacabka reer puntland iyo weliba inay muuqato rajo aad u wanaagsan oo ummadda u horseedi karaya horumar dhinacyo badan ah iyo koboc dhanka ilbaxnimadda ah.
Agaasimaha ayaa dowladda iyo shacabkaba Mar kale xusuusiyey in sannadkani yahay sannadkii loo asteeyey Maamul wanaagga iyo la dagaalanka musuqmasuqa, kana codsaday qof walba oo wadani Puntland ahi uu doorkiisa wadanino qaato sidii Maamulwanaag dhab ah oo muuqda uga taabba gali lahaa Puntland oo dhan, musuqmaasuquna u noqdo wax suura.
wixii fikir wadaagis ah nagala soo xiriira: Puntlandggb1@gmail.com.
PUNTLAND POST
The post Waxaa la joogaa waqtigii Maamul Wanaaggu ka muuqan lahaa Puntland oo dhan appeared first on Puntland Post.