Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Haweenay Afrikaan ah oo Markii ugu Horeysay Taariikhda Loo magacaabay Xog-hayaha FIFA

$
0
0
Fatma Samba Diouf Samoura
Fatma Samba Diouf Samoura

Guddiga kubadda cagta ee FIFA ayaa ku dhawaaqay in Gabadha lagu magacaabo Fatma Samba Diouf Samoura, ay tahay xoghayaha guud ee FIFA.

Gabadhaani lagu magacaabo Fatma Samba Diouf Samoura ee xilkaasi loo dhiibay ayaa dal ahaan kasoo jeeda Senegal.

Guddiga ayaa sheegay in Fatma Samba ay Khibrad ku heshay xilkaasi sidaa darteedna ay mudan tahay in xilkaasi ay ku shaqeyso.

Fatma Samba ayaa la soo shaqeysay Hay’adda Qaramada Midoobay mudo ku dhow 21 sano, iyadoo markii ugu danbeysayna aheyd isku xiraha arrimaha bani’aadamnimada iyo wakiilka UNDP u jooga Nigeria.

Magacaabisteeda ayuu madaxweynaha FIFA Gianni Infantino kaga dhawaaqay kulanka 66aad ee FIFA, kaasi oo lagu qabtay Mexico City.

Ugu danbeyntii Gabadhaani lagu magacaabo Fatma Samba ayaa aqoonta ka gaartay Shahaadada Masterka waxa ayna ku takhasustay luuqadaha Ingiriiska iyo Spanishka.

PUNTLAND POST

The post Haweenay Afrikaan ah oo Markii ugu Horeysay Taariikhda Loo magacaabay Xog-hayaha FIFA appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>