Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Kun Qof Oo Tahriibayaal Ah Oo Laga Badbaadiyay Badda U Dhaxaysa Masar Iyo Talyaaniga

$
0
0

Ciidamada Badda Dalka Talyaaniga ayaa badbaadiyay Kun qof oo Tahriibayaal ah, kuwaasi oo noloshooda halis ay ku jirtay hadii aysan heli laheyn gurmad.

Dadkaan oo intooda badan ah ka soo jeeda Afrika, ayaa la sheegay inay ka ambabaxeen dalka Masar, islamarkaana ay doonayeen inay si sharcidaro ah ku galaan dalka Talyaaniga.

Waxaa laga soo badbaadiyay dadkaan Xeebaha Dhanka Koonfureed ee dalka Talyaaniga maalintii shalay aheyd.

Dadkani ayaan weli si rasmi ah loo shaacin dalalka ay kasoo jeedaan, hase ahaatee waxaa hadda la geeyay Afar goobood oo ku yaalla Koonfurta Dalka Talyaaniga.

William oo ah afhayeen u hadlay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegay in dadka qaarkood ay soo fuuq baxeen, ayna ku jiraan dad u dhashay dalalka Siiriya iyo Ciraaq.

Caruur yar yar oo aysan jirin cid la socota ayaa lagu soo waramayaa inay ku jiraan dadka Tahriibayaasha ah ee la badbaadiyay.

Doon kale oo ay la socdaan dad tahriibayaal ah ayaa la xaqiijiyay inay ka baxday dalka Libya, balse weli ma aysan gaarin Xeebaha dalka Talyaaniga.

Dalka Masar ayaa Bilooyinkaan noqday marinka ugu badan ee ay adeegsadaan tahriibayaasha oo Soomaali ay ku jiraan.

The post Kun Qof Oo Tahriibayaal Ah Oo Laga Badbaadiyay Badda U Dhaxaysa Masar Iyo Talyaaniga appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>