Muqdisho-(Puntland Post) Howlgalka Midowga Africa ee AMISOM ee Soomaaliya ayaa loo Sameeyay Mido Kordhin Xiliga ay ka sii shaqaynayaan gudaha dalka Soomaaliya, sidaas waxaa lagu sheegay War qoraal ah oo kasoo baxay AMISOM.
Muddo kordhinta ayaa waxaa sameeyay Ururka Modowga Africa ee (AU) waxaana go’aankan lagu gaaray Shirkii 595 ee AU ay ku yeesheen Xaruntooda dhexe ee Adis Ababa.
Go’aankaasi waxaa la ogaaday in Howlgalka Ciidanka Amisom kawadaan Soomaaliya uu sii socon doono tan iyo Bisha May 30-da ee sannadka soo socda ee 2017-ka.
Xilli-kordhintaasi ayaa lagu macneeyay in Ciidanka AMISOM oo tiradoodu dhantahay 22,000 Askari ay sii wataan Howgalka ay kula dagaalamayaan Uruuka AL-Shabaab.
Midowga Afrika ayaa ka qoomameeyay go’aanka Midowga Yurub uu ku dhimayo dhaqaalihii uu siin jiray Amisom, oo la dhimayo 20%, waxaana ay ugu baaqeen in Midowga Yurub uu dib u dhigan go’aanka inta laga gaarayo doorashada ka dhacaysa Soomaaliya dabayaaqada sanadkan.
Kenya, Ethiopia iyo Uganda, ayaa sidoo kale loogu baaqay in ay fuliyaan ballan qaadyadoodii oo ay diyaarado u diraan ciidamada Amisom.
Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Michele Cervone d’urso, ayaa sheegay in Midowga Afrika ay sanad ka hor ku war geliyeen, in deeqda ay ku bixiyaan Amisom ay jari doonaan, ayna filayeen in ay heli lahaayeen dhaqaale kale oo ay siiyaan deeq-bixiyeyaasha.
Wakiilka ayaa sheegay deeq-dhimista in aan loo turjuman in Midowga Yurub uu goostay gabi ahaanba deeqdi uu siin jiray Amisom.
puntland post
The post Mudo Kordhin Loo Sameeyay Howlgalka Nabad Ilaalinta ee AMISOM appeared first on Puntland Post.