Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Taliyaha Cusub ee Booliska Puntland oo Ka Hadlay Xilka Loo Magacaabay

$
0
0

Taliyaha Cusub ee Booliska PuntlandTaliyaha Cusub ee ciidanka Booliska Puntland  S/G  Cabdirisaaq Shire Faarax(Ereg) ayaa markii u horraysay  ka hadlay xilka KMG ah ee Madaxweynaha dowladda puntland uu maanta u magacaabay, waxaana uu sheegay inuu soo dhaweynayo xilka loo igmaday.

Taliye Cabdirisaaq Shire Faarax(Ereg)  oo hore u ahaa Taliye K/xigeenka ciidanka booliska puntland,  ayaa si kumeel gaar ah loogu magacaabay taliyaha booliska, ka dib markii xilka laga qaaday  taliyihii  hore Cabdirisaaq Afguduud.

Mar uu ka hadlayey xilka looga magacaabay ayuu sheegay in uu Jagada taliyaha uu  sii-hayey  tan iyo markii ay dhacday shaqaaqadii dhexmaray taliyayaashii ciidamadda Booliska iyo Birmadka, kaasi oo uu ku dhawacmay Wasiirka Amniga puntland Cabdi Xirsi Qarjab iyo saraakiil kale, sidoo kalena ay ku dhinteen Saraakiil kale

“anigu markii hore waxaan ah  kuxigeenka 1aad ee Ciidanka Booliska,haddana xilkan aniga ayaa sii-hayey inta shaqaaqadan ay dhacday runtiina waa xil aad u adag oo culus””ayuu yiri

Hoos ka daawo Taliyaha Booliska Puntland Cabdirisaaq Shire Faarax(Ereg) oo ka hadlay arrintan

The post Taliyaha Cusub ee Booliska Puntland oo Ka Hadlay Xilka Loo Magacaabay appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles