Munaasabad ballaaran lagu xusayay sanadguuradii 73aad ee ka soo wareegtay asaaskii ururkii dhalinyaradda Soomaaliyeed ee SYL oo ah maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed ee 15 May ayaa maanta lagu qabtay Magaaladda Bosaso ee xarunta ganacsiga Puntland.
Munaasabadan oo ay ka qaybgaleen dhalinyaro wiilal iyo gabdho isugu jira, aqoonyahano ka howlgala jaamacadaha dalka, Odoyaal ruugcadaa ah oo goob joog ahaa xiligii gumaysiga uu dalka haystay iyo Marti sharaf kale, waxaa kaloo lagu qabtay magaalooyinka Muqdisho, Garowe, Kismaayo, Jowhar iyo Magaaladda London,
Waxaa ugu horrayn ka hadlay munaasabadda Cabdiweli Xasan Gooni oo ka mid ahaa dhalinyaradii sida Mutadacnimada u soo qabanqaabiyay munaasabadda maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed, waxaana uu u mahadceliyay dhalinyaraddii,Aqoonyhanadii iyo odoyaashii ruugcadaaga ahaa ee ka soo qaybgashay munaasabadda.
15 May oo loo asteeyay dabaaldega maalinta dhalinyaradda soomaaliyeed ayaa Cabdicasiis Takar oo ka mid ah Asaasayaasha isbahaysiga soo celinta rajada ummada soomaliyeed iyo mideenteeda ee RAJO oo ku sugan magaaladda Nairobi wuxuu fariin Video oo toos ah uu kula hadlay dhalinyaradii ka soo qaybgashay munaasabadda oo lagu qabtay hotel Juba ee Bosaso.
“Sharaf bay u tahay isbahaysiga rajo inuu dhalinyaradda soomaaliyeed ee bosaso uu la qaybsado farxada iyo dabaaldega maalinta dhalinyarada ee soomaaliyeed ee sanadguuradii 73aad ee ka soo wareegtay asaaskii ururkii gobanimo doonka ee SYL” ayuu yiri cabdicasiis
“Hal kudhiga sanadka ee maalinta dhalinyarada soomaliyeed waa Soomaaliya oo mid ah oo xor, SYL iyo RAjo waxaa jir waxyaabo badan oo ay wadaagaan, labaduba dan gaar ah ah ma wataan, waxaana ka go’an in la helo Somali xor ah oo mid” ayuu sii raaciyay Cabdicasiis Takar.
Munaasabadda waxaa kaloo ka hadlay Barkhad Cali Saalax oo ah ruugcadaa soomaaliyeed oo goob joog ahaa xiligii dabaysha gobanimo doonka soomaaliyeed ay socotay, waxaa uu ka sheekeeyay taariikhdii iyo halgankii dheeraa ee Dhalinyaradda Ururkii SYL ay u galeen ka xorayntii gumaystayaashii Talyaaniga iyo ingiriiska Dalka.
Barkhad Cali Saalax wuxuu dowladda soomaaliyeed iyo dowlad goboleedyadda ku booriyay inay fursadaha iyo shaqooyinka jira si siman loogu faa’iideeyo dhalinyaradda daljooga ah iyo kuwa qurbo joog ah si buu yiri loo xoojiyo niyadda iyo awooda dhalinyaradda
“ Dowladu ha arkeen dhalinyarada jaamacadaha dalka gudihiisa ka baxay, intii ay badda ku haligmi lahaan shaqada iyagaa xaq u leh ha la siiyo, ninkii dalka joogay ayaa xaq u leh” ayuu yiri Barkhad Cali Saalax.
Prof Khaliif Maxamed Bare oo muddo 50 sanno ah ka soo shaqaynayay warbaahinta, wuxuu xasuusiyay dhalinyarada soomaaliyeed ee maanta joogta ay ka aqoon, Fursad wanaagsan yihiin dhalinyaradii asaasatay ururkii SYL, balse midnimadii iyo wadaniyadii ay ka maqan tahay oo la kala qoqobay.
“Burburka waa ka baxaynaa, dowlad la’aantana waa ka baxaynaa, somaliya oo mid ah oo xoogaysatay waa la helayaa,waxaysa ku xiran tahay wiilka burco, bosaso, Muqdisho, kismaayo iyo Hargaysa jooga, oo isku fikrad noqda” ayuu Prof khaliif Maxamed Barre.
Aqoonyhanada kale ee Munaasabadda ka hadlay waxaa ka mid ahaa Gen. Cali Ismaaciil, Aqoonyahan Siciid Faarax yare, Prof Axmed Bari waxayna dhamaantood ka sheekeeya halgankii dhiigu ku daaday ee ay horseedeen dhaliyaradii SYL, iyadood dhalinyarada xasuusiyay in dalkan ay iyagu leeyihiin oo looga baahanyahay inay ilaashaadaan oo aaminaan
Sidoo kale, waxaa munaasabadda ka hadlay Pro Maxamed Khaalid iyo Prof Cabdinasir Siciid oo dhalinyarado aqoonyaho ah oo wax ka dhiga Jaamacadaha dalka, waxaa kaloo ka hadlay dhalinyaro isugu jira wiilal iyo gabdho, kuwasoo muujiyay muhiimadda ay leedahay in dhalinyaradda lagu baraarujiyo wadaniyada iyo midnimada ummada soomaaliyeed, waxayna ballanqaadeen inay ka shaqaynayaan sidii dalkan uu noqon lahaa mid xor ah oo somaliyi ay maamusho.
Gabagabadiii, Munaasabadadan Lagu Qabtay bosaso ee Maalinta dhalinyaradad soomaaliyeed iyo Xuska 73aad ee ka soo wareegtay asaaskii ururkii SYL waxay ka duwanayd munaasabadihii kale ee dalka ka dhici jiray, iyadoo aysan ka soo qaybgalin Masuuliyiin ka socotay dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyadda, waxaana munaasabada soo qabqaabiyay dhalinyaro, waxaana taageeray Isbahaysiga Rajo oo ay ku midaysan yihiiin aqoonyahano iyo dhalinyaro ku midoobay in dalkooda uu noqdo mid xor ah oo mid ah.
PUNTLAND POST
The post Xuska Maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed iyo Sanadguuradii 73aad ee Ururkii SYL ee 15 May Oo Bosaso Lagu Qabtay appeared first on Puntland Post.