Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Sirdoonka Maraykanka oo kaalin ku lahaa xirigii Nelson Mandela

$
0
0

Basaas u shaqeyn jiray laanta sirdoonka mareykanka,CIA ayaa qirtay in xog uu siiyay booliiska Koonfur Afrika ee xilligii cadaanku dalka xukumay ay horseeday in la xiro Nelson Mandela oo uu 27 sano ku jiray jeelka.

Arrinta oo uu daboolka ka qaaday wargayska Sunday Times, wax yar uun ka hor dhimashadii Donald Rickard oo sirdoonka Mareykanka ka tirsanaa waxay xaqiijineysaa shakigii mudada dheer laga qabay in sirdoonka Maraykanku uu ku raadjoogay Mandela oo markii dambe noqday madaxweynihii ugu horeeyay ee Madaw ah ee dalka south africa..

arrintani waxay dhacday habeen madaw,sanadkii 1962-dii, markii booliisku uu jidgooyo dhigtay oo uu joojiyey gaarigii Mandela oo noqday maxbuuskii ugu caansan adduunka,ee reer galbeedku u arkayeen nin argagixso ah,oo halis ku ah danahooda.

Arrintan dabolka laga qaaday waxay keeni doontaa in lagu cadaadiyo sirdoonka mareykanku inuu macluumaad badan ka bixiyo doorkii uu ku lahaa xarigii Nelson Mandela iyo taageeradii ay u siiyeen dawladdii midab takoorka, inkasta oo ay horay u diideen,isku dayo la sameeyay si ay u soo bandhigaan.

Basaaskii CIA Donald Rickard oo geeriyooday 2013 marnaba si cad loolama xiriirinin hay’adda sirdoonka ee CIA, balse dalka Koonfur Afrika,waayo markii uu ka shaqeynayey Koonfur Afrika wuxuu ahaa dublamaasi,wuxuuna shaqadii ka fariistay dhamaaadkii todobaatameeyadii.

PUNTLAND POST

The post Sirdoonka Maraykanka oo kaalin ku lahaa xirigii Nelson Mandela appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>