Alla Mahad oo dhan u sugnaatay, Maqaal gaaban ayaan rabaa inaan kaga hadlo mar xalada cusub ee ay gashay Siyaasada Dawlada Jubbaland oo ku soo biirtay Dawladaha xubnaha ka ah Dawlada Federalka ah ee Soomaaliya iyo hagar daamada kooxda fikirka guracan ee Damul-jadiid ayna hogaamiyaan Madaxweyne Xasan Culusow iyo Raiisul Wasaaraha ay seeftu dulsaaran tahay ee Saacid.
Marka hore waxaa farxad iyo rarayn mudan inay Jubbaland umuqato inay cagaheeda isku taagtay hagardaamooyin iyo dib u dhac dheer kadib ayna dadka reer Jubbaland yagleeleen hanaan Dawladnimo oo maalintii arbacada ahayd Madaxweyne loogu doortay Mudane Axmed Madoobe oo ah hogaamiyo duurka usoo galay sidii degaanadan looga xorayn lahaa kooxdii argagixisada ahayd ee baadilka ku haysatay degaanadaasi.
Doorashada Axmed Madoobe ayaa noqotay mid gilgilshay quluubta in badan oo kamid ah umadda Soomaaliyeed oo iskugu jira qaar si kal iyo laab ah usoo dhaweeyey inay degaanadan helaan hanaan Dawladnimo oo ka gudbiya dib u dhicii ragaadiyey sanadaha badan iyo qaar kale oo u arkay inuu maamul ka hanaqaada halkaas uu caqabad ku yahay danahooda gaarka ah sidaa darteedna goostay inay si kasta oo ay ku fashilin karaan Maamulkan ay sameeyaan sida iyagoo qabqable-dagaal Barre Hiraale ku tilmaamay Madaxweyne kadib markii Laash nooca kaluumaysiga ah lagaga soo tahriibiyey xeebta liido ee Magaalada Muqdisho, iyo iyagoo si cad u muujiyey inaysan gabi ahaanba aqoonsanayn Dawladan cusub ee Jubbaland.
Shacabka Jubbaland ayaa u muuqda inay cagta saareen dhabihii saxda ahaa ayna heleen fursad qaali oo aysan helin mudadii ay burbursanayd Soomaaliya waxaana mudan in fursadan looga faaidaysto sida ugu haboon, il gaarana lagu eego haraagii dagaal ogaayasha ee laga soo ganaayo Magaalada Muqdisho si ay caqabad ugu noqdaan isku tashiga iyo Horumarka umadda Jubbaland waxaana mudan in kooxdan loo sheego inay dadkooda meel ka raacaan hadii ay dhici waydana magaalada kismaayo looga sifeeyo sidii ku haboon.
Xasan shiikh Maxamuud oo ah Madaxweynaha Dawlada Fadhiidka ah ee dhaafi la Magaalada Muqdisho wuxuu booqday Baledweyne iyo Baydhabo wuxuuna dadka halkaas degan u sheegay inay soo dhistaan Maamul ay iyagu iska leeyihiin aysana dhacayn inay Dawladiisu usoo xusho Maamulkooda iyo cida ay dooranayaan sida ku cad dastuurka Federalka ah ee Soomaalia halka Magaalada Kismaayo uu sheegay in Maamulkeda laga soo magacaabi doono Magaalada Muqdisho, hadaba waxaa iswaydiin mudan maxay ku kala duwan yihiin Kismaayo iyo Baledweyne ama Baydhabo? waa su’aal u taal umadda Soomaaliyeed.
Saacid oo ah ninka ay seeftu dulsaarantahay qarkana u saaran in xilka laga xayuubiyo kadib markii uu ku guul daraystay fashilinta shirka Jubbaland ayaa isaguna ku dadaalay si kasta oo u qancin karo amiirkiisa xasan Culusow, Wuxuuna ku dadaalay inuu fashiliyo aayo katashiga umadda Jubbaland isagoo adeegsanaya habab fara badan hadii ay ahaan lahayd mid qabiil iyo mid dhaqaaleba hase ahaate waxaa muuqata inuu dhaqaajin waayey qadiyada umaddan , Saacid ma uusan garawsan inuu degaankan umatalo Dawlada Federalka ah uuna dartood ku helay xilkan uu ku fadhiyo waxaase is waydiin mudan xagee ku dambayn doonaa marka xilka laga cayriyo, ilayn dadkiisii iyo dalkiisiina isku dir kuwii ku dirayna cayriyee.
Dawlada cusub ee Jubbaland waxaan u rajaynayaa hana qaad iyo Horumar balaaran, waxaana rajaynayaa inay noqoto mid ay u siman yihiin dhamaan dadka reer Jubbaland meel kasta oo ay joogaan, sidoo kale shacabka Jubbaland waa inay taageero dhan walba ah isla garab taagaan Dawladooda cusub oo ah mid la kowsatay cadow aan tiro yarayn, Shacabka reer Puntland iyo Dawladoodu waa inay hiil iyo hooba ugu deeqaan walaalohooda samaystay Maamulka curdinka ah ee Jubbaland, Dawlada Xasan Shiikh iyadana waxaan rajaynayaa inay garawsato inay dawlad u tahay dhamaan umadda soomaliyeed ee aysan Dawlad u ahayn Magaalo,Gobal iyo qabiil gaar ah.
W/Q: Mukhtaar Cabdi Faarax
Kampala,Uganda
E-Mail: kaamil571@gmail.com