Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Warbixin :Madaxda Dowladda Federaalka waa halkii ay ku waayi lahayeen Xukunkooda Faragelinta Jubbaland.

$
0
0

Waxaa mudan soo dhaweyn dhismaha Maamul Goboleedka Jubbaland, oo 15/05/2013 loogu doortay Madaxweyne Axmed Maxamed Islaan Madoobe, taasoo dhamaan dal iyo dibad loo bogaadiyey doorashada loo doortay Maamulka cusub ee Jubbaland.

Shirweynihii Jubbaland ee lagu doortay Axmed Madoobe wuxuu soo socday muddo shan bilood ku dhow, taasoo la tilmaamay in dhaqaale ka badan 2 Milyan oo dollar qarash dhan ku baxay dhismaha iyo taabagelinta Maamulka Jubbaland ee gabagabadii dhalay madaxweyne iyo ku xigeenkiisa, lana filayo dhawaan dhamaystirka golaha xukuumadda Maamulka Jubbaland, tanoo ah guul wax ku ool ah oo mudan sharaf iyo amaan dadkii u dhabar adeegay dhisida maamul deegaan Colaad ka soo kabanaya muddo 22 sanno kadib isku xilqaamay iraadadooda inay maamul loo dhan yahay ku dhistaan.

Aniga layaan iguma aheyn doorashadii Axmed Madoobe kadib ,dhawaaqii iyo qash qashadii Hogaamiye kooxeedkii Dooxada Jubba Barre Hiiraale ka soo yeertay oo sida iskiis ah isku doortay Madaxweyne Jubbaland, waxaana taas u arkaa aniga sheegashadii C/nuur darmaan nin la oran jiray oo Muqdisho Madaxweyne Soomaaliyeed sheegtay xilligii C/qaasim Salaad Xasan tuulada Carta ee Dalka Jabuuti Madaxweyne loogu doortay Sanadku marku ahaa 2000, kaasoo xaafad ka mid ah Muqdisho guri weyn ku qortay Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya C/Nuur Darmaan, Barre Hiiraale manta wuxuu ka dhigan yahay xilligaas C/nuur darmaan halkii uu taagnaa, waxa ayna dad badan aaminsan yihiin in xaalado dhanka Caafimaadka laga yaabo in ay wax ka jiraan dhanka maskaxda.

Barre Hiiraale dembi malahan waayo waxaa ku weyn oo uu ka samri layahay Jaceylkii Dooxada Jubba u qabay iyo Kismaayo oo la orankaro cudur maskaxda kaga dhacay ayaa keenay sheegashada Madaxweyne Jubbaland, lakiin waxaa aniga aad ula yaabanahay madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo carqalad iyo qas iyo jahawareer xoog leh ku haya Jubbaland iyo dadka degan.

BARRE Hiiraale waxaa dooni soo saaray Madaxweyne Xasan sheikh, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Rag ka tirsanaan jiray Dooxada Jubba oo xiliyadii qab qablayaasha colaad xoog leh ku hayey Kismaayo iyo Deegaanka Jubooyinka, waxa ay taasi u muuqataa mid Barre Hiiraale loo soo diray inay carqalad iyo caqabad looga dhigo dhismaha Jubbland oo waqti, dhaqaale iyo dib u xoreyn dhiig badan ku daatay ku kacday heerkan in ay soo gaadho manta.

Haddaba, waxaa soomaalida ku maah maahdaa “Habar dhali weyday aleelo ku waalatay” Dowladda Federaalka waxay hadda marayaan in ay qiil ka dhigtaan laba maamul ayaa meesha ka jira taasoo xataa caruurta yar yar dareemikaraan waxa meesha ka dhacay iyo waqti dheer dadaal ku baxay in maamul Madaxweyne loogu doortay Axmed Madoobe, taas ayaana shaqeynaysa oo sharci, waayo wuxuu helay kalsoonida shacabka Jubbaland.

Madaxda sare Soomaaliya waxa weeye kuwo Macalimiin ka ahaa Machad ku yaalay Muqdisho oo samad lagu magacaabo, waxaana mooda in ay Siyaasadda Soomaaliya tahay Arday Iskuul dhiganaysa oo ay cashar u yeerinayaan, taas ayaan orankaraa waa biseyl la aanta iyo xal u helid la aanta khilaafyada sidii loo xalin lahaana ku adag. Sheekh Shariifow XAAL QAADO Madaxweyne Qaran ayaad aheyd.

Gabagabedii waxaan oran lahaa Tani waxay caqabad ku noqonaysaa Madaxda Federaalka Soomaaliya oo ugu horeeyo Madaxweyne Xasan sheikh iyo Xukuumadda Raysal wasaare Saacid, waxa ayna ku waayi doonaan xilalkooda ama xukunka loo doortay Faragelinta ay ku hayaa Jubbaland, taasoo u muuqata tii ay ku hayeen xiliyadii Dagaalada sokeeye Hogaamiye kooxeedyo muqdisho hub , Saanad Militeri iyo Ciidamo soo siinayey Barre Hiiraale oo colaad iyo dagaalo ka waday deegaanada Jubbooyinka, taasoo u baahneyd in maanta hab dowladeed loola dhaqmo Jubbaland ee aan loola dhaqmin hab dhaqankii Qabqablayaasha Muqdisho ku caawinayeen Colaada Sokeeye ee Barre hiiraale. Haddii carqalada iyo faragelinta Jubbaland sii socoto waxaa laga dhaxli doonaa mid saameysa dhamaan Hanaanka Dowladeed ee Soomaaliya iyo wadamada derska la ah Soomaaliya.

FG: qoraaga warbixintan magaciisu ku xusan yahay ayaa nasoo gaarsiiyey waana mid fikrad qoraaga uu qabo.

Bile Maxamud Qabowsade

Bosaaso, Puntland, Somalia

Email: bqaboowsade@gmail.com

Daabacaada : Puntlandpost.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>