Waraka ka imaanaya Deegaanka Bariire oo ka tirsan Gobolka Sh/hoose ayaa Sheegaya in halkaas Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya, AMISOM iyo Ciidamo Mareykan ah ay ka fuliyeen howlgal qorsheysan.
Howl-galkan, ayaa waxaa ka qayb qaadanayay Diyaarado kuwa Qummaatiga u kaca ah ee Helicopters-ka, waxaana dagaal muddo socday uu dhexmaray Al-shabaab iyo ciidamadan huwanta ah, iyadoo la sheegay in Al-shabaab Bariirre laga saaray.
Hay’adda Nabad-sugidda Somalia ayaa sheegtay in ciidamada Gaarka ah ee Komaandoosta Danab iyo kuwa AMISOM ay qaadeen Weerar qorsheysan, ayna howlgalkan ku qabsadeen Saanad ciidan iyo Sarkaal ka tirsan Al-shabaab.
Sidoo kale, Warkan ayaa intaas ku daraya in Ciidammadaan huwanta ah ay kusoo furteen weerarkaas maxaabiis Al-shabaab ugu xirnayd Saldhigga Bariire, inkastoo tiradooda aan la sheegin.
Dhanka kale, Dadka ku nool Bariirre ayaa sheegaya inay maqlayeen duqeymo diyaaradaha qummaatiga u kaca ay fuliyeen, iyadoo ciidamada wadajirka ayaa howl galka kaddib kasoo laabtay deegaanka.
Al-shabaab oo dhankeeda ka hadashay, ayaa sheegay in ciidammo isugu jira Mareykan iyo AMISOM ay Weerar ku soo Qaadeen Deegaanka Bariirre, laakiin ay iska-difaaceen, mana bixin faahfaahin intaas ka badan.
Ugu dambeyn, Illaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay iska-horimaadka, iyadoo uu ku soo beegmayo howl-galkan iyadoo dhawaanahan hawlgallo noocooda ah ay qaybo ka mid ah Soomaaliya ka fuliyeen ciidammada kumaadoosta Somalia iyo ciidammo Mareykan ah.
PUNTLAND POST
The post Ciidan isugu jira Somali, Mareykan iyo AMISOM oo Maanta howlgal ka fuliyay deegaanka Bariire ee G/Sh/hoose appeared first on Puntland Post.