Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Taliyaashii Hore ee Ciidamada Booliska iyo Birmadka Puntland oo Maxkamad Ciidan la soo Taagayo

$
0
0

Bosaaso(Puntland Post)-Xeer Ilaaliyaha guud ee maxkamada ciidamada qalabka sida ee Puntland Cabdikariim Xasan Firdhiye oo waraysi siiyay warbaahinta maxaliga ah, ayaa sheegay in ay suurgagal tahay in maxkamad la soo taago oo sharciga la marsiiyo Taliyihii hore ee Booliska Puntland Cabdirisaaq Afgaduud iyo Taliyihii Birmadka Cismaan Afdalow.

Xeer ilaaliyuhu wuxuu sheegay in guddigii loo xilsaaray baaritaanka shaqaaqadii uu ku dhaawacmay wasiirka Amniga puntland ay soo gabagabeeyeen baaritaankoodii, wixii eedaymo ahna xeer ilaalinta la horkeeni doono.

“Dowladu guddi baaris ayey u magacowday ,guddigaas howlahoodii waa soo gabagabeeyeen,wixii eeda ah oo gal-dacwadeed ah oo soo diyaariyeena,waxaa la horgeyn doona Maxkamad ciidan”” ayuu yiri Firdhiye, Wuxuuna sii raaciyay

“Haatan wixii tallaabo ah oo xilalkii iyo mas’uuliyadii ay hayeen ragii sarsare hadeer sida Raadiyaha ka maqasheen waa laga fariisiyey ,waxaa xiga oo xasaanadii oo laga qaaday ,waxa weeye nin walba sharciga wuxuu ka helo ayaa la marinayaa””ayuu yiri.

Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa wareegto uu soo saaray waxaa uu xilalkii ay hayeen ka qaaday Taliyihii Ciidanka booliska Puntland Cabdirisaaq Afguduud iyo taliyihii Ciidamada Birmadka Cismaan Afdalow, ka dib markii 5tii bishan May uu gacan hadal iyo rasaas ay iswaydaarsadeen Ilaaladda labada taliye taasi oo sababtay dhimasho iyo dhaawac.

Labadan taliye ee xilalkii laga qaaday oo hadda ku sugan magaaladda Bosaso ayaa la sheegayaa inay weli haystaan ciidamo farabadan oo hubaysan iyo Baabuur tikno ah, kuwasoo aan weli lagu wareejin dowladda puntland, lamana oga sida maxkamad ciidan loo horgayn doono.

The post Taliyaashii Hore ee Ciidamada Booliska iyo Birmadka Puntland oo Maxkamad Ciidan la soo Taagayo appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>