Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxweynaha Dowladda Puntland oo u ambabaxay Magaaladda Muqdisho.

$
0
0

Madaxweynaha dowladda puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta u ambabaxay magaaladda muqdisho, halkaasi oo uu kaga qaybgali doono shir ay isugu imaanayaan Madaxda Soomaalida iyo xubnaha joogtadda ee gollaha ammaanka ee qaramadda Midoobay oo maalinta beri ah soo gaari doona magaaladda.

Shirkan oo ka dhacaya Garoonka diyaaradaha ee  magaalada Muqdisho ayaa  labo maalmood socon doono, waxaana  lagu falanqayn doono geedi socodka dowlanimada somaliya iyo doorashooyinka 2016 ka iyo guud ahaan Nabada iyo xasiloonida  somaliya.

Madaxweynaha Gaas oo warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha bosaso ayaa sidoo kale sheegay in marka uu la soo gabagabeeyo shirka muqdisho, ay madaxda soomaalidu ka wadahadli doonaan arrimaha dastuurka oo bishan may dhammaadkeeda la filayo in ka furmo caasimadda Puntland.

Halkan ka daawo shirkii Jaraa’id ee Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas uu ku Qabtay Garoonka diyaaradaha Bosaso

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Dowladda Puntland oo u ambabaxay Magaaladda Muqdisho. appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>