Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxmuud iyo Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa mardhow gaaray Xarunta ay ku shirayaan baarlamaanka Soomaaliya iyadoo uu soconayo kulanka baarlamaanku.
Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa lagu wadaa In Golaha shacabka ay ka codsadaaan in ay meel mariyaan Hanaanka Doorasho ee dalka.
Xildhibaanada Soomaaliya ayaa loo qeybiyey Hanaanka doorasho ee dalka Iyadoo Baryihii ugu danbeeyey xildhibaanadu Dib u eegis ku sameenayeen Hanaanaka doorasho ee dalka si Dabayaaqada Sanadkaan Dalka Soomaaliya uga dhacdo doorasho.
Saciid Xasan
Puntland Post
Muqdisho, SO
The post Madaxweynaha Iyo Ra’iisul Wasaaraha oo Gaaray xarunta ay ku shirayaan Baarlamaanka Soomaaaliya appeared first on Puntland Post.